Aad Ha u Dadaalin Yaan Lagu Qaline!!!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aad Ha u Dadaalin Yaan Lagu Qaline!!!!!
July 4, 2015 - Written by Editor:

Nin beeroole ah ayaa waxa uu lahaa Faras iyo Ri, malin maalmaha kamida waxa xanuusaday Faraskii, ninkii beeroolaha ahaa oo aad u jeclaa faraska ayaa aad u murugooday, waxaanu u tagay dhakhtarka xoolaha,

Dhakhtarkii ayaa u sheegay in sadex cisho daawo la siindoono hadii uu ku kici waayo sadexdaa cishona la dilidoono si aanu xoolaha kale u gaadhsiin xanuunka,

Arinkan waxa maqashay ridii oo aad uga murugootay maadaama uu ahaa wehelkeeda kaliya

Waxay u tagtay faraskii oo ay usheegtay arinkii iyada oo ku guubaabisay inuu kaco si uu u badbaado

Malintii kobaad iyo tii labaadba wuu kici kari wayay faraskii.

Malintii sadexaad way ka tagi wayday waxaanay dadaal badan u gashay Ridu inuu hal mar uun lugihiisa ku istaago Farasku si uu u badbaado.

Galabnimadii waxaa yimid nInkii beeroolaha ahaa, wuxuu arkay Faraskii oo beerta dhex cararaya, aad ayuu u farxay dadkii oo dhan ayuu isugu yeedhay waxa u yidhi farxada faraska daraadeed waxaynu qalanaynaa rida

Ridii ayaa maqashay waxa meesha ka dhacay aadna u ilmaysay soona xasuusatay dadaalkeedii ay ku badbaadinaysay sxbkeed!!!!!!!!

Submitted by Macalin Ahmed Dg-upka

Abdirahim Midnimo

COMMENTS
LINKS