Xukuumada Caawa Xabsiga U Taxaabtay La Taliyihii Hore Madaxwaynaha Barkhad Jaamac Xirsi Oo Hada Ka Tirsan Xisbiga Wadani | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Caawa Xabsiga U Taxaabtay La Taliyihii Hore Madaxwaynaha Barkhad Jaamac Xirsi Oo Hada Ka Tirsan Xisbiga Wadani
June 18, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews)Ciidamada Booliska ayaa xasbiga u taxaabay La taliyihii hore ee Madaxweynaha Somaliland Barkhad Jaamac Xirsi oo hada ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, Wararka xogogaala ayaa tibaaxay in siyaasi barkhad oo gurigiisa ku sugan ay ciidamo boolis ahi soo xidheen Iyagoon Caday u jeedada loo xidhayo

Ciidamada boolis ee sigaasigan xusbiga wadani ka tirsan xidhay ayaa waxaa markii hore xaafada daami loo geeyay daminta dagaal laba kooxood ku dhexmaray xaafadaa

DHinaca kale warar aanu ka helay werarkan laba kooxod ayaa sobabay dhaawac laba ruux kuwaasi oo xaaladooda xaafimaad lagu tacaalayo cusbtitaal guud ee magaalada hargaysa

Masuuliyiinta xusbiga wadani ayaan wali ka hadal xadhiga loo gaystay xubin firfircoon oo kamida xusbigooda.

 

Dhawaan ayaa gudoomiyaha xusbiga wadani Cabdiraxmaan cirro Buuqasho ku Tagay Xaafada Daami isagoo uu hogaaminyo siyaasi bardhad jaamac xirsi arintaasi oo xukuumada talada haysaa saska qaaday waxaana lasaadalinayaa in xadhiga barkhad ay sobob u tahay saska xukuumadu.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS