Xukumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Wada Hadal La Galayso Kooxda Khaatumo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Wada Hadal La Galayso Kooxda Khaatumo
June 30, 2015 - Written by Editor:

Laascaanood(Wajaalenews)  Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay wada hadal toos ah la galayaan dhammaadka bisha ramadaan kooxda Khaatumo ee ka dhisan bariga Somaliland.

khk

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxda Khaatumo ka aqbashay wada hadalkii,kaasi oo bilaabmi doona marka laga baxo bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Waxa aan balan qaadaynaa marka iidda laga baxo inaan wada hadal furno,qoladan walaaleheen ee Khaatumo inaan la hadalno oo gogol u dhigno sidii hore madaxwaynu balan qaaday ,iyaguna way naga balan qaadeen oo diyaar ayay u yihii”ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland oo ka  hadlayay magaalada Laascaanood.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax ayaa dadwaynaha Reer Laascaanood ku booriyay inay is diwaangaliyaan

“Maalin dhowayd tiro koobkii waxa lagu sheegay saddex boqol oo kun ,waxaasina waa diwaangalintan aad ka cararaysaan,waxa aad iga balan qaadaan inaad diwaangalintaasi codaysan”

Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax waxa uu sheegay in wixii ka maqan gobolka Sool aanu ku iman karin qori ee nabad galyada la ilaaliyo isla markaan horumarka la shaqeeyo.

Saami qaybsigu qori ku iman maayo ,waxa uu ku imanayaa wada hadal iyo inagoo codkeena qaybsana,waxa aynu ku xisaabtamaynaa waa cod,nabad galyaduna waa mihiimn aynu kala baxno oo dadka qaar horumarka ha u gurmadaan”ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax

 

 

 

COMMENTS
LINKS