XOG CUSUB ;Kala Dheeranta Kordhinta Baanka Ee Isticmaalka Shilling-ka Iyo Qiimaha u Dollarka Ugu sarifo SHirkadaha Shisheeyaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
XOG CUSUB ;Kala Dheeranta Kordhinta Baanka Ee Isticmaalka Shilling-ka Iyo Qiimaha u Dollarka Ugu sarifo SHirkadaha Shisheeyaha
June 16, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews): Su’aalo badan ayaa ka taagan sarifka lacagta dollarka uu Baanka SOmaliland ugu sarifo shirkadaha shisheeyaha ee ka shaqeeya SOmaliland marka ay cashuurta bixinayaan.

gudoomiyaha baanka

 

sida ay muujinayaan xogo Wajaalenews heshay qiimaha halka dollar ayuu Baanka SOmaliland ugu sarifaa halkii dollar qiimo ka yar ku dhawaad kala badh qiimaha uu ka marayo suuqa xorta ah ee Somaliland.

Waxaanay xogahani muujinayaan in qiimaha halka dollar uu Baanka SOmaliland ugu sarifo halkii dollar shirkadaha shisheeyaha ah 4000 shilin, halka uu suuqa xorta ka ka marayo 7500 shillin gacanta hore, halka gacanta dambena lagu kala sarifanayo 8000 oo SOmaliland shillings ah, halkii dollar.

Arrintani waxay weji gabax ku noqonaysaa qorshaha ay xukuumadda SOmaliland beryahanba ololaha ugu jirtay ee ay ku doonayso in lacagta shillinka SOmaliland lagu isticmaalo suuqyada wax kala iibsiga ee SOmaliland.

sida la ogyahay xukuumadda SOmaliland oo uu horkacayo Baanka Somaliland ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan in la isticmaalo lacagta SOmaliland marka ay noqoto xagga wax kala iibsiga, iyada oo talaabooyinka ilaa hadda la qaadayna ay ku jirto in lacagaha electronicga ee ay maamulaan shirkadaha Isgaadhsiinta SOmaliland lagu soo daray in lacagta SOmaliland-na la iskugu diro.

hase yeeshee talaabadani lafteeda weli shirkadaha Isgaadhsiintu ma hirgelinin in lacagta iyaga wax lagaga iibsanayo ee lagu iibsado air-time ama lacagta lagu shubto adeegooda isgaadhsiinta aanay ku jirin doorashada lacag ku shubashadu.

sidoo kalena waxay todobaadkani xukuumadu soo saartay in xawaaladuhu ay 30% u sarifaan lacagaha ay soo xawilaan, taasi oo noqonaysa in 100$-ba loo sarifayo 30$, iyada oo taasi lafteedu saamayn ku yeelan karto nolosha sariflayaasha suuqa kaga ganacsada sarifka lacagaha qalaad.

Laakiin Baanka SOmaliland ma sheegin qiimaha ay xawaaladuhu dadweynaha ugu sarifayaan lacagta shilinka SOmaliland inay tahay 4000-kun halkii dollar uu yahay iyo inay tahay inay shirkaduhu dadka ku siinayaan sideeda kun ee ay adeegooda dadka kaga iibiyaan marka laga adeegooda laga iibsanayo.

balse su’aasha meesha taalaa waxa weeye, sababta ay xukuumadda SOmaliland iyo Baankuba shirkadaha shisheeyaha ugu sarifaan halkii dollar, taasi oo dawladda SOmaliland ay khasaarayso 50% halkii dollarba.

tusaale ahaan shirkad ka mid ah kuwa ka hawlgala wadankeena ayaa waxa laga dhigayay Baanka lacag laba kun iyo dheeraad, hase yeeshee qiimaha (rate) uu baanku halkii dollar ugu dhuftay waxa weeye 4000 SOmaliland shillings iyada oo haddii qiimaha suuqa xorta ah loogu dhufan lahaa ay shirkadaasi dhigi lahayd in ka badan Afar kun oo dollar.

haddaba marka la isku eego labadan arrimood miyaanay noqonayn kaaf iyo kala dheeri.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS