|
|||||
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Ibraahim Buubaa Oo Beeniyey Warar Been Abuura Oo Laga Baahiyey
June 4, 2015 - Written by Editor:Jigjiga(Wajaalenews)Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, ahna afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ay xukuumaddu maamusho, kaas oo sheegayay in ay ciidamada dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ay jidh dil u geysteen. Xildhibaan Ibraahim Buubaa oo qoraal kooban oo uu kaga hadlaayey Arimahan ku baahiyey Bogiisa gaarka ah ee uu ku leeyahay Barta Facebook-ga ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- Waxa aan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aanay waxba ka jirin warar lagu baahiyay qaar ka mid ah warbaahinta ay xukuumadu maamusho ama gacan saarka la leh kuwaas oo sheegayay in la igu xidhay ama la igu jidh dilay deegaanka Soomaalida Ethiopia. Runtii gaadhigii iga soo qaaday Wajaale ayaa toos ii geeyay Jigjiga, wax dhibaato ah oo isoo gaadhayna ma jirto, waxaanan ka raali gelinayaa dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia warkaas ay baahiyeen warbaahinta xukuumadda gacan saarka la leh, kaas oo wax badan u dhimaya xidhiidhka wanaagsanee ka dhaxeeya Somaliland iyo Dawlada Itoobiya. Waayadan dambe waxa aad ka war haysaan in xukuumadda Kulmiye ay dalaw dheer ka sii ridayso ama ka tuurtay xidhiidhadii wacnaa ee aynu la lahayn wadamada jaarka. Waxa aan mar kale halkan ka cadaynayaa in aanu warkaasi waxba ka jirin isla markaana uu yahay mid ay baahiyeen dad aan xil kas ahayni.”
Related posts:DAAWO; Xildhibaan Bukhaari Oo Duray Waabeeye Uguna Hanjabey Kursigiisa Xisbiga In Cadaani La Fadhi... Marwo Faadumo Siciid iyo Wefti ay Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Berber... Daawo:Munaasibada Bandhiga Buugaagta Ee International Book Fair Oo Xalay Lagu Soo Gabogabeeyay Magaa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|