Xildhibaan Baarlamaanka Kenya Ka Tirsan Oo Xukumadda Ugu Baaqay In Talaabo Laga Qaado Askar Dadka Somalida Si Arxan Darro Ah U Jidh Dishay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan Baarlamaanka Kenya Ka Tirsan Oo Xukumadda Ugu Baaqay In Talaabo Laga Qaado Askar Dadka Somalida Si Arxan Darro Ah U Jidh Dishay
June 1, 2015 - Written by Editor:

Garisa(Wajaalenews)-Cabdiqaadir Cumar Aadan, oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Kenya, ayaa dawladda Kenya ugu baaqay in talaabo laga qaado Askar muuqaal laga duubay iyagoo si arxan darro ah u garaacaya dad Soomaali ah oo ay Beerka u jiifiyeen islamarkaana dusha ka garaacayeen.

dawlada kenya

Arrintan ayaa ka dhacday Meel u dhaw degaanka Garissa ee waqooyi bari Kenya, halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay AL-shabaab weeraro ka fulisay. Dadkan oo meel duur ah lagu garaacayo ayaa la soo bandhigay iyadoo saxaafadduna baahisay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in bulshada uu metelaa hore ugu war galin jirtay tacadiyo ay Ciidamada Kenya kala kulmaan balse dhacdadani shaaca ka qaaday “Runtii arrintani waxay noqotay waxyaale hore u qarsoonaa oo Booliska u qarsoonaa oo dadweynuhu ka caban jireen balse hadda caddaatay” ayuu yidhi Xildhibaanka oo BBC-da la hadlay.

Xildhibaan Cabdiqaadir Aadan Cumar, ayaa sheegay inay madaxda Booliska kala hadleen arrintan kuna khasbeen in talaabo laga qaado. Waxa uu sheegay in madaxda boolisku balan ku qaaday in talaabo cad laga qaadi doono Nimanka booliska ah ee Muuqaalka ka muuqda islamarkaana la anshax marin doono, lana taagi doono Maxakamad.

“Intaas kagama hadhayno ilaa aan hubsano nimankaas iyaga ah oo magacyadooda la wada yaqaano oo Sawirradooda la hayo oo dhamaan wixii la aqoonsaday ee Askar sawirkaas ku jirta inaan hubsano in la keeno maxakamad oo dabiyada ah Cadaabitaanka ama jidh dilka ah lagu qaado” ayuu yidhi Mudanuhu.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inay dawladda ka dalbanayaan in la waraysto Askartaasi lana waydiiyo dad hore oo dhibaato loo gaystay, kuwo maydkooda la helay iyo kuwo ilaa hadda la la yahay. Waxa uu sheegay in bulshadu hore u sheegtay in dad aan aqoonsi dawladeed iyo dirays dawladeed toona wadan oo qoryo sitaa dadka qafaashaan islamarkaana dhib ugu gaystaan duurka, iyadoo ragga hadda sawiradan ka muuqdaana yihiin kuwo qoryo sita islamarkaana aan xidhnayn dirays balse wajiyadooda la aqoonsaday inay Askarta dawladda ka tirsan yihiin.

 

COMMENTS
LINKS