Waxaan Canaan Dusha Ka Saarayaa Xukuumada Somaliland;Musharax Eng Da,uud Abiib | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxaan Canaan Dusha Ka Saarayaa Xukuumada Somaliland;Musharax Eng Da,uud Abiib
June 5, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Musharax Eng Da,uud Abiib Axmed oo kamida Musharaxiinta doorashada golaha wakiilada ee soo socda u tartami doona ayaa xukuumada somaliland ku canaantay sida ay uga gaabisay doorkii ay kulahayd Dhiiri galinta Kooxda kubada cagta ee ku ciyaaraysa magaca somaliland Wuxuna yidhi; Waxaan canaan dusha kasaarayaa  dawlada doorka ay kulahayd Garab Istaaga kooxda magaca somaliland ku ciyaaraysa oo meeqaabsare gaadhsiiyay magaca dalka iyo dadka reer somalilandba Maaha hawl ay qabatay  waxaa wax qabadkeeda iska leh jaaliyada reer somaliland wanaan ku hambalyaynayaa miyayna ahayn dawladii wax qaban lahayd waxay ku mashquushay mudo kordhin wadahadal wadahadalka miyay ku jiraan ragii  xalka keeni jiray ee marka wax kacana bakhtiin jiray. mise waa kuwan diiday wixii sedexda xisbi ku heshiiyeen.

Dhanka kale isagoo xukuumada xusuusinaya wixii dalka loo soo maray wuxu yidhi.Waxaan leeyahay duqa  somaliland ma jeclin reeraysiga in ragii faqash sida gaarka ah uga carartay moorgan iyo cududii milatari cagta mariyay halyaydii moorgan  sheegay sida halyaygii  Maxamuud Cabdilaahi Amiin Timacade ee dhufayska ugu daatay tooridana ku taagay dabadeedna qaniinay cadawgii Ka caray ragaasi beeshoodii  musharax aad ka qaadato ee saleebow xildhibaankoodi kulmiye dhacay inkastoo kuwii dhacay ay iyaguna dib isku cuneen,

waxaanu ku dharagsannahay wax la,aantaase yeel sida dalkan u saxan shacabkuna doonayo

COMMENTS
LINKS