|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Amar Adag Ku Soo Rogay Gaadiidka Turuska Leh oo khatar ba,an ku haya bulshada
June 29, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, ayaa soo jeediyay amaro uu u arko in lagu yarayn karo shilalka ka dhaca jidka isku xidha Hargeysa iyo Berbera. Wasiirka ayaa amray in dhammaan gaadiidka leh Turuska laga jaro bari laga bilaabo. Wasiir Warancadde, oo ka qayb galay aas Hargeysa loogu sameeyay Saddex Marxuum oo shalay ku naf waayay Shil baabuur, waxa uu dhaliilay ciidanka Waddoonyinka iyo darawaliinta gaadiidka, waxaanu amaanay jid oo inta badan loo aaneeyo shilalka dhac. Wasiir Warancadde, ayaa rumaysan inaanay waddadu saamayn ku lahayn shilalka ku batay “ Runtii waddadaasu waa nimco ka mid ah nimcooyinka Alle ina siiyay waayo waa waddo si wanaagsan loo sameeyay , hase yeeshe waxaad moodda shilalkeedu in ay aad u badanyihiin immika , waxaana muuqata dadka waddada isticmaala gaar ahaan kuwa Booyadaha watta iyo kuwa watta Iskaragooyinku in ay yihiin dad qayrul masuula ,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu. Wasiir Warancadde, ayaa sidoo kale naqdiyay Birta Turuska ah ee gaadiidku difaaca ka dhigtaan “ Arrintaas aan canaanteeda dusha ka saarayo ciidamada waddooyinka oo aan u arko iyaga laftoodu in ay aad u tamar daranyihiin , waxaanse jecelahay in aan halkan ka soo jeediyo , baabuurtaasu gardarrada iyo foolxumooyinka ay sameeyaan waxaa ka sii daran , xagga horena waxay ku xidheen bir wayn oo sidii cagaf cagaftii ay wax ku jiidhaan xagga danbena mid aan looga soo dhawaanin” Wasiirka ayaa dadka gaadiidka leh iyo Ciidanka waddoonyinka faray in Biraha Turuska ah laga furo Gaadiidka “ marka maanta waxaan halkan ka farayaa ciidamada waddooyinka si deg deg ah wixii barri laga bilaabo in ay labada dhinacba ka jaraan ee turusyada labada turusba oo aanu gaadhi turusyo leh aanu marin wadooyinka dalka , amarkaa waxaan siinaya ciidamada nabadgalayda wadooyinka , barrina insha allaah waa la bilaabaya , inta aan police-ku xarayna in uu nin waliba geerash geeyo oo uu labadaba ka jaro ayaanu ammar ku bixinaynaa ninkii lagu arko ee shaqeenayaa wixii barri ka bilawda baabuurka waa laga dhigi doonaa waxaana la saari doona ganaax wayn …” Ayuu Yidhi Wasiir Warancade.
Amarka wasiirka daakhiliga ayaa imanaya maalin uun ka dib markii gaadhi Booyad ahi jiidhay Gaadhi ay ku geeriyoodeen Suxufi ka tirsan telefishanka HCTV, Agaasimaha qorshaynta ee wasaaradda Maaliyadda iyo Askari ilaalo u ahaa wasiirka Maaliyadda, waxaana la sheegay in booyadu turuska ku qaaday gaadhigaasi. Gaadiidka Oo Gaashaan Ka Dhigta Bir Xagga Hore iyo Xagga Dambe lagaga xidho Gaadhiga(Turuska) – COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|