War Deg-deg Ah:Taliyahii Ciidanka Koofiyad-Casta ee Gobalka Sanaag Oo Goor dhaweyd Lagu Dhaawacay Magaalada Ceerigaabo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-deg Ah:Taliyahii Ciidanka Koofiyad-Casta ee Gobalka Sanaag Oo Goor dhaweyd Lagu Dhaawacay Magaalada Ceerigaabo
June 14, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews):-Waxaa goor dhaweyd magaalada Ceerigaabo lagu dhaawacay taliyahii ciidanka Koofiyad-casta ee gobalka Sanaag Siciid Cabdi Warsame.

Sida ay mareegta Ramaasnews ay ka helayso magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, ayaa sheegaya in goor dhaweyd uu askari ka mid ah ciidanka illaaladiisu uu rasaas la beegsaday taliyaha ciidanka Koofiyad-Casta, waxaana ay wararku tibaaxayaan in rasaastu ay kaga dhacday Labada gacmood sida oo kalena ay hada xaaladiisa caafimaad aad u adag tahay, iyaga oo sida oo kalena ay wararku intaas ku darayaan in taliyaha loo soo qaadayo dhinaca Hargeysa si loogu daweeyo.

Wararka aanu ka helayno magaalada Ceerigabo, ayaa sida oo kale sheegaya in askarigii dhaawacay taliyaha uu baxsaday illaa hadana ay ciidamada ammaanka ee gobalka Sanaag ay dabo-gal ku hayaan sidii loo soo qaban lahaa.

Dhanka kale lama garanaayo u jeedada rasmiga ah ee askarigani u bartilmaameedsaday taliyahiisii ciidanka Koofiyad-Casta ee gobalka Sanaag.

Xigasho ramaasnews

 

COMMENTS
LINKS