Wada xaajoodkii Xukumadda Yemen iyo Xuutiyiinta Oo Burburay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada xaajoodkii Xukumadda Yemen iyo Xuutiyiinta Oo Burburay
June 20, 2015 - Written by Editor:

Geneva(Wajaalenews)-Wada xaajood la filayay inuu dhex maro Xukumadda Yemen iyo Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ka wada qalalaasaha ayaa fashilmay kadib markii dhinacyadu ku guul darraysteen inay is hor fadhiistaan. Wada hadalka oo lagu waday inuu ka furmo magaalada Geneva ee xarunta Switzerland ayaan suuro galin.

wada xaajodkii yemen

Wasiirka arrimaha dibada Yemen, Riad Yassin, ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay burburka wada hadalka. Waxa uu sheegay in Xuutiyiintu diideen inay la kulmaan weftiga dawladda ka socday, kuwaas oo xataa diiday inay ka soo baxaan Hotelka ay degan yihiin ee ku yaal magaalada Geneva oo shirku ka dhici lahaa “Weftigayagu wuxuu qorsheeyay inaanu iskaga tagno wada hadalka, Sabtida ayaanu ku noqonayaa Sucuudiga” ayuu yidhi Wasiirka Yemen.

Wasiirka Khaarajiga Yemen ayaa intaasi raaciyay “Ilaa wakhtigan waxba islamaanu gaadhin. nasiib darro, ilaa hadda Xuutiyiintu waxay ogolaadeen ma jiro.ma jiro wax horumar ah, xataa waxba maanu qorshayn”

Ismail Ould Cheikh Ahmed, wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Yemen, ayaa sheegay inuu ku dadaali doono sidii xabad joojin loo hirgalin lahaa sidoo kalena wada hadalada dib loogu bilaabi lahaa.

Stephane Dujarric, Afhayeenka qaramada midoobay ayaa sheegay inaanu wakhti cayimani u dejisnayn wejiga xiga ee wada hadalka balse ay ku rajo weyn yihiin in la wada hadlo. Waxa uu ku dooday in wada hadalku socon doono iyadoon lagu kulmayn Geneva.

Burburka wada hadalka ayaa imanaya maalin uun kadib markii qaramada midoobay codsatay lacag dhan 1.6 Bilyan oo lagu gargaaro Yemeniyiinta ay saameeyeen dagaalada wadankaasi ka socda. 80% ayaa la rumaysan yahay dadka Yemen inay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo.

 

COMMENTS
LINKS