Ummad Ma Rabitaanka Shacbigaa Lagu Wadaa Mise Aragtida Hoggaamiyayaasha. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ummad Ma Rabitaanka Shacbigaa Lagu Wadaa Mise Aragtida Hoggaamiyayaasha.
June 23, 2015 - Written by Editor:

Adduunka ma jiro dal lagu maamuley rabitaanka shacbikooda oo guul fiican gaadhey. Hogaamiye dalkiisa ku dhaqa sida shacabkiisu jecelyihiin, waa shakhsi aan laheyn kartida hoggaaminta ama waa qof xil neceb iyo eed neceb, magaciisuna hoggaamiye ma noqon karo ee waa maamule wixii loo dhiibey uun maamulaya.

.Hogaamiyayaasha wax ka bedeley caalamkan waa kuwa qaatey go’aamada qalafsan ee mararka qaarkood ka soo horjeeda ra’yiga dadkiisu u badanyahay, waana hoggaamiyayaasha u badheedhey iney hirgeliyaan go’aankooda, xoog iyo xeelad tey doonaan ha adeegsadaane. Hoggaamiyuhu waa qof aragti dheer oo ay u muuqato halka uu umadda ku wadaa.

.Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland waxa ay u badanyihiin qaar eegaya indhaha dadka, oo markaa u fiirsanaya halka ay dadku eegayaan, markaasuunbey isla halkaa dadku eegayo iyaguna farta ku fiiqayaan oo kolba waxa ay shicibku jecelyihiin ku hadlayaan, waayo iyagu ma hayaan talo iyo mabda’ u gaar ah ee hadafkoodu waa kursiga ku fadhiiso dadkana haka xanaajin ee kolba waxa ay jecelyihiin uun maqashii.

.Umad hoggaamiyayaasheeda iyo shicibkeedu haddey isku mabda’ noqdaan oo ay isku si wax u arkaan oo ay raali iska noqdaan, waxa hubaal ah iney jar iskala dhacayaan.

Waa mawduuc adag oo ay u badantahay in siyaalo kala duwan loo arko, balse muhiim ay tahay in aad looga fikiro.

 

Qalinkii ;Mohamed Ali Bile’

COMMENTS
LINKS