Ujeedada Kulan Ay Jabuuti Ku Yeesheen Xeer-Ilaaliyeyaasha Somaliland, Soomaaliya, Puntland Iyo Galmudug | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ujeedada Kulan Ay Jabuuti Ku Yeesheen Xeer-Ilaaliyeyaasha Somaliland, Soomaaliya, Puntland Iyo Galmudug
June 17, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Hawlgalka Rayidka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan adkaynta ammaanka dhinaca biyaha badda ee dalalka Geeska Afrika iyo galbeedka badweynta Hindiya oo la yidhaah EUCAP Nestor, ayaa magaalada Jabuuti ugu qabtay shir socday muddo laba maalmood ah xeer-ilaaliyeyaasha Somaliland, Soomaaliya, Puntland iyo Galmudug Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Hawlgalka Rayidka ee EUCAP Nestor ee magaalada Nairobi.

shirka-xeer-ilaaliyayaasha-ilaa-wallawaynta

“Shir-goboleed ah kii afraad ee la qabto, lagagana hadlo qaabka xeer-ilaaliyeyaasha ama dacwad-oogayaashu ula macaamili karaan budhcad-badeeda iyo dambiyada kale ee ka dhaca ee badda oo ay isku soo habeeyeen Hawlgalka Rayidka ah ee EUCAP Nestor, ayaa lagu qabtay magaalada Jabuuti, waxaanna martigelisay Wasaaradda Caddaaladda ee dalka Jabuuti, iyadoo ay ka qaybgaleen Xeer-ilaaliyeyaal ka socday Soomaaliya (Muqdisho), Puntland, Galmudug iyo Somaliland, kuwaasoo loogu talogalay inay ka faa’iidaystaan khibaradaha dhinaca dacwad-qaadista budhcad-badeeda, iyadoo shirka uu qayb ka ahaa dhegaysiga dacwad jilis ah oo lagu tababarayey xeer-ilaaliyeyaasha.

Waxa kaloo shirka ka qaybgalay xeer-ilaaliyeyaal ka kala socday dalalka Jabuuti, Seychelles iyo Mauritius (Muritaaniya), iyadoo ay sidoo kale ka qaybgalayaasha ka mid ahaayeen Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somaliland, Ku-xigeenka 1aad ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya (Muqdisho), Xeer-ilaaliyeyaasha Guud ee Puntland iyo Galmudug, Prof. Wambua oo ka socday Jaamacadda Nairobi iyo xaakim ka socday dalka Seychelles,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay EUCAP Nestor, iyadoo shirkaasina socday labadii maalmood ee u dambeeyey.

Waxa kaloo qoraalkaas lagu sheegay in shirkaas uu qayb ka ahaa hawlgal jilis ah oo lagu dacweeyey dad budhcad-badeed lagu metelay oo lagu qabtay badda, waxaanna lagu yidhi; “Mawduucyada ugu muhiimsan shirka waxa ka mid ahaa hawlgal lagu jilay ama lagu metelay dad budhcad-badeednimo lagu qabtay oo dacwadooda lagu qaaday dhulka, kaasoo ay fududeeyeen EUCAP Naval Force oo ah ciidanka dhinaca ammaanka baddaha u qaabilsan Midawga Yurub, iyadoo laga wada-xaajooday caqabadaha kala duwan ee la xidhiidha qaabka maxkamadaha maxaliga ah (domestic courts) u qaadaan dacwadaha budhcad-badeedka, waxayna ujeeddada loo soo qaatay dacwad-qaadista filimka ah   ahayd in dhinacyada shirka ka qaybgalay wadaagaan khibradaha iyo wax-ka-barashada habka dejinta dacwadaha rasmiga ah, iyadoo inta badan dadka ka qaybgalay shirku aanay weligood qaadin ama oogin dacwado la xidhiidha budhcad-badeednimo, sidaas darteed, hawlgalka layliska ah waxa uu u ogolaanayey inay khibard u yeeshaan gacanta hore ee woxogaa ka mid ah qaddiyaddaha si xaqiiqo ah ugu soo bixi kara markasta.”

Waxa kaloo shirkaas ka qaybgalay dacwad-ooge ka socday dalka Ingiriiska oo hore u qaaday kiisas lagu dacweeyey kooxo budhcad-badeed ah dalka Seychelles, kaasoo khibradiisa la wadaagay ka qaybgalayaasha shirka.

“Saddex shir oo hore oo noocan oo kale ah, ayaa lagu qabtay Jabuuti, Nairobi iyo Darasalaam (Tansaniya), kuwaasoo diirada lagu saaray   sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta dacwad-oogayaasha ama xeer-ilaaliyeyaasha si ay noqdaan kuwo ku fiican la macaamilka dacwadaha budhcad-badeedka iyo dambiyada kale ee ka dhaca badda, isla markaana lagu dhiso shabakad iskaashi ah oo ay yeeshaan dacwad-oogayaasha (Xeer-ilaaliyeyaasha) si ay u wadaagaan khibrada iyo macluumaadka, iyadoo fursad loo siiyey inay la-tashi la sameeyaan, saaxiibada kale ee ay isku shaqada yihiin ee khibrada badan u leh hawlahaas, kana kala socda dalal kala duwan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Hawlgalka Rayidka ah ee Midawga Yurub u qaabilsan ammaanka biyaha baddaha dalalka Geeska Afrika iyo Galbeedka Badweynaha Hindiya.

Source: Jamhuuriya

 

COMMENTS
LINKS