|
||||||||||||||
WAJAALE NEWS
Ubaxii Abaarsadday..!! Qeybtii 3-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad
June 12, 2015 - Written by Editor:Waxaanay u dhignayd Fariintii qoraalka ahayd “ wllo,waxaan go’aansaday,isla markaana ay ila noqotay in aanan Wakhti xaadirkan kula wadi Karin xidhiidh Jacayl”. Waxa ahayd Wakhti habeenimo ah oo uu kasoo rawaxay Xafiiskiisa shaqo markii ay fariintani kusoo dhacday,wuuna lugaynayay,waxaana uu rabay inuu Salaadda Taraawiixda ka gaadho Masaajid ka ag-dhawaa Xaafadda uu deganyahay,oo uu inta badan iska xaadirin jiray Wakhtiga taraawiixda intii lagu guddo jiray Bisha Ramadaan. Waa uu u qaadan la’yahay Fariinta dhiiladda leh ee Mobile-kiisa kusoo dhacday,ugana timid mid ka ah Shaqsiyaadka agtiisa Qiimaha iyo qadarinta weyn ku leh.wuu yaabay!!,uu dhaqaaqay,uu istaagay,wuu akhriyay,oo haddana akhriyay, run iyo riyo ayuu u kala saari waayay.malaa waa qof kale oo telafanka ka qaatay,oo ka xun xidhiidhkiina wanaagsan ee adiga iyo Sagal idinka dhexeeya…?,malaa qof kale ayay u diraysay oo wey kuugu soo qaladay..?,malaa wey kuugu ciyaaraysaa…?. Su’aalahaas iyo kuwo aad uga tiro iyo dareenba badan ayaa sikino kooban buux-dhaafiyay Maskaxdiisa. Talaw yaa isku kiin diray..?,talaw maxay ka cadhootay..? talaw maadigaa si adag ula hadlay..? ayuu ninkii Siyaad naftiisa kula shawrayaa.intaas ay waxaas oo dhammi dhacayaan wuu socdaa,mana garanayo halka uu hadda marayo.balse waxa uu kolba ku war helayaa hoonka Baabuurta ku tumaysa marka uu galo haadka ay Baabuurtu marayaan,isla markaana uu ka leexdo haadka loogu talo-galay dadweynaha.marar badan waxa uu khatar ugu jiraa inay jiidaan baabuurta is-eryanaysa ee sida xoogga ah ku maraya Wadadda.dad badan oo iskugu jira Ehel,asxaab iyo dad ay is-waji garanayaan ayaa jidka kaga soo horbaxaya,isla markaana u holanaya inay salaamaan,cabaarna layara is-taagaan,si ay dhawr su’aalood oo is-xaal-wareysi ahi u dhex-marto.balse Siyaad waxaas oo dhan ma dhaadana,waxaana uu ku jiraa xaalad aan miyir-qabna ahayn,waalina ahayn.dad badan oo uu salaanta ka qaadi waayay,ayaaba dhabanka gacanta ku haya,isla markaana dib-usoo-jaleecaya bal in uu ugu yaraan soo eego ama uu salaanta ka celiyo. Ninkii Siyaad ee jawiga degan uu gabalku ugu dhacay,kuna afuray farxadda iyo iyo niyad-samaanta inuu ILAAHAY ka aqbalo Soonkii iyo Salaaddii uu kusoo jiray Muddii uu Cuntadda ka Af-xidhnaa,imikana u sii jeeday Masaajidkii uu SALAADDA kusoo gudan lahaa,hadda xaalkiisu waa xaal kale,waxa la deris ah Walal iyo walbahaar xoogan.waxa ka lumay hal-beegii iyo hadafkii socodkiisa,ma cabbiri karo xaaladda uu hadda ku suganyahay,waxa si weyn isaga dhex-yaacsan Jadwalkii habeenimo iyo hawlihii kala duwanaa ee caawa u qorshaysnaa.isaga dhex-daabalanaya mawjaddo ay weheliyaan hirar mugdi iyo madaw xoogan u saaxiib ah,ayaa Ninkii Siyaad go’aanay bal inuu horta is-dajiyo,iskuna dayo inuu badelo xaaladdan wareerka ah ee uu hadda ku sugan yahay. Waxa uu fadhiistay meel gidaar ah oo waddada dhinaceedda ah,Shaydaanka ayuu iska naaray,fariintii ayuu si degan markale u akhriyay,isla markaana si xeel-dheer oo dhugasho dheer leh ayuu u fahmay,waxaana uu is-na kaga jawaabay sida tan : “Ok wllo,dhib ma leh”. Inkasta oo Siyaad uu uga jawaabay Fariintii si aanay ka muuqan inuu ka xunyahay go’aankaas ay Sagal qaadatay,hadana wali dhawacii ay fariintaasi ku reebtay kamay go’in Dubaaqiisa,waxaanay saamayn taban ku yeelatay nolashiisii caadiga ahayd ee Habeenimo. Waxa uu go’aanay Siyaad in uu gabi-ahaanba iska Ilaabo Jacalkii uu u qaaday Sagal,isaga oo ku sababeeyay arimahan soo socda; 1- In aanay Sagal ahayn Qofka Aduunka ugu quruxda badan,ugu edebta badan,ugu xishoodka badan,ugu dedaalka iyo karti badan,uguna dhaqanka wanaagsan. 2- Inuu heli karo qof ama Gabadh Sagal wax kasta oo uu markii horeba ku jecldaay kaga wanaagsan,isla markaana isaga jecel,ee aanu isku marka hore jeclaanin. 3- In Nolosha inaad Guul-daraystaa aan macnaheedu ahayn,in aanad guulaysan Karin. 4- In aanay jirin sabab nooc kasta oo ay tahayba ku qasbaysa in aanu ka hadhin Jacaylka Sagal. 5- Inay iman doonto Maalin uun inuu Sagal saamayn taban ku yeelan doono nabsigaas ay kaa gashay,oo iyana ay sidaas ku dhici doonto,maantaba isaga ku dhacday. 6- In markasta oo aad guul-daraysato aad u dhaw dahay inaad guulaysato. Hadda Siyaad dhamaan Sababahaas uu ku go’aansaday inuu kaga hadho Jacaylkii Sagal qaar badan oo ka mid ah wuu arkay,inta kalena wakhtiga iyo waayaha ayuu la dhawrayaa.waxa uu in badan iska Ilaaliyay,isla markaana uu si weyn uga taxadiray inuu ugu yaraan soo gocdo Jacaylkii uu u qaaday Sagal,isaga oo maanka ku haya inuu ku bixiyay Dedaal xoogan,qarash badan,la-tashiyo aan tiro lahayn,balse nasiib-darro dhamaanba waxaasi oo dhammi ay noqdeen ‘Hal bacaad lagu lisay’. Hadda Siyaad waxa uu isaga noolyahay nolashiisii caadiga ahayd,wuu iska shaqaystaa,waxna uu bartaa,Nolashana hadaf iyo higsi dheer ayuu ka leeyahay,wax walba uu soo marayna waxa uu aaminsanyahay inuu la mid yahay Maalin dhaaftay oo aan kusoo noqonayn,waxaana uu aad ugu dedaalaa in Maalinta uu joogana maal-gashado,berrida soo socotana Qorshihii uu ku waajihi lahaa sii diyaarsaddo. Dhamaad W/Q: Mohamed Hassan Daacad Email: Daacad461@gmail.com
Related posts:DHACDADA XAYAYSIISKA DHARKA IYO TALOOYINKA KU WAAJAHAN XUKUUMADDA, CULIMADA & BULSHADA. Qalinkii Mus... Isbedelka Ka dhacay Itoobiya muxuu Saamayn Ku yeelan Karaa Xidhiidhkii Sokeeye ee Somaliland & I... Arsenal Oo Ku Soo Noqotay Dhabadii Guusha Iyo Aubameyang Oo Hogaanka Gool Dhalinta Sii Dheeraystay. COMMENTS
|
LINKS
|
|||||||||||||
|