WAJAALE NEWS
Tahriibaha maanta waa wasiirka Saandambe !!!!!!!!!!
June 14, 2015 - Written by Editor:
“Ma la odhan karaa qurbo joogta xilalka loo dhiibiyaa waxay si dad ban dhiirigalin u tahay tahriibayaasha!?”
Sanadihii u dambeyey si isdaba joog ah saxaraha Suudaan iyo Biyaha Liibiya iyo Talyaaniga u dhexeeya oo kumanaan kamid ahi ku nafwaayeen, halka tiro aad u yar u gudubto qaaradda Yurub.
Yurub lafteedda marka ay gaadhaan rafaad iyo silic bay ku dhamaystaan noloshoodda,isla markaana waxyaalihii ay filayeen ayey ka waayeyaan taasina waxay ku keenta niyad jab iyo qalbi qarax ku dhacda, iyagoo dib isku waydiiya jidkii dheeraa ee halista badnaa ee soo maray iyo xaalkoogu halka uu yahay, taasina marar badan waxay ku dhalisaa inay barwaddo ku bartaan si bal fikirka badan ee maskaxda u dajiyaan.
“runtii markii aan tagay Yurub waxaan ku arkay rag faro badan oo sanaddo badan joogay dalka oo meelahaasi iskaga qayilaya, waliba yurub waa kontora baan, waxaana la sameeyey inta Qaadkii la soo ridqo ama buddo oo kale laga dhigo ayaa sidii budadda loo soo miisa, ka dibna budadaasi ayey shaaha ay cabayaan ku dhex darsadaan sidaas ayey mirqaan ka raadiyaan, waxaase yaab kugu ridaya marka aragtay rag malgaacad iyo Koob jeebabka ku sita si marka ay helaan jaadka ugu walaaqan lahaayeen”sidaas waxa iga sheekeyey mid kamid ah dhalinyaradda dhowaan tagtay qaaradda yurub gaar ahaaan Garmalka.
Waxaanu intaas ku daray “ ma qiyaasi karttid haddii aan ku yidhaa ninkaasi tobana sanno joogay sida uu u eeg yahay iyo darxumadda ka muuqda, anigii shalay soo gallay ayaa nadaafad iyo xarago badan, waayo weli meesha waan ku cusubahay oo sidii aan Hargeysa ugu xaragoon jiray uun baan wali la haysta, waxaanay igu dacaayadeeyaan marka muddo joogta baad haleeli waayi is eeg eega iyo is qurxinta”.
Iyadoo ay nolosha Yurub ee lagu sii yaacayaa sidaas tahay iyo xaaladda adag ee laga sheekaynayso, ayaa hadana dhalinyaro badani ku yaacayaaan, iyadoo waliba wakhtigan dhaqaalihii yurub dhulka galay oo noloshii adkaatay, isla markaana soogalootigii aad loo nacay.
In badan oo naftayda waydiin jiray sababta dhalinyarada u tahriibayaan maadaama oo og yihiin rafaadka yaalla Jidka loo marayo ee geerida iyo nolosha u dhexeeya iyo Yurub lefteedda inay dadkii joogay ka soo cararayaan ayaan dib u fiiriyey maah maahyo ay inta badan adeegsadan dadka tahriibaya marka aad waraysato, taas oo aan u arkay inay macquul tahay oo jawaab u noqon karta waxay ku doodayaan Tahribayaashu maadaama oo laga hor marinayo mar walba qurbojoogta oo dadka qurbaha ka yimid aad oo qiimeeyo xilalka dawladana aad ugu badan yihiin.
Waxyar aynu ku nasanno dood dhex martay Tahriibe la qabtay iyo Garsoore xukumayey
Nin garsoore oo inta badan xukumo dhalinyaro la soo qabqabtay oo tahriibayaa ayaa sheegay in marka aanu soo qabanno oo waydiino waxay ku falayaan yurub ee wadankooda u joogi waayeen ayaa qaarkood ku doodaan arrimo mararka qaarkood u garaabayso, iyagoo tusaale ku soo qaata in wasiiradda wadankeenu u badan yihiin Qurbojoog, isla markaana wakhtigan lagu aamino qurboog xilalka dawladda.
Mid ka mid ah tahriibayaasha la soo qabtay ayaa isagu si cad maxkamadda horteeda uga sheegay inuu doonayo barri ka maalin inuu wasiir noqdo, maadaama oo inta badan wasiiradda laga soo magcaabo qurbaha.
“waxaan u tahriibayaa in si aan Saandambe u noqdo wasiir, waayo xukuumadda waa wada qurbo joog, waxaad maalin walba aragta sida loo casuumayo qurboogta iyo xafladaha loo samaynayo, waxayna heerkaasi ku gaadheen wax kale maahee waa qurbo joog kaliya”ayuu ku dooday wiil dhalinyaro ah oo tahriib lagu soo qabtay sida uu ii xaqiijiyey garsoorihii xukumayey.
Sidaas darteed miyaan la odhan jirin xilalka qurbojoogta loo dhiibaa waxay dhiirigalin kartaa tahrbiibka, waayo marka qiimaysid 80% waa qurbo joog, taasina waxay dhiirigalin dadban u tahay tahriibayaasha iyagoo maah-maah ka dhigta Tahriibaha maanta waa Wasiirka Saandambe.
Faallo: Barkhad-Ladiif M. Cumar
Related
COMMENTS
|
|