Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirahmaan oo ka mid ah Salaadiinta Soomaliland iyo Itoobiya Ayaa Xukuumada Iyo Shacabka DDSI,Ugu Hambalyeey si Qiimaha Lahayd Ee Ay u Dhacday Doorashadii 5aad Deeganka Iyo Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirahmaan oo ka mid ah Salaadiinta Soomaliland iyo Itoobiya Ayaa Xukuumada Iyo Shacabka DDSI,Ugu Hambalyeey si Qiimaha Lahayd Ee Ay u Dhacday Doorashadii 5aad Deeganka Iyo Dalka.
June 10, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) , Hanbalyo ku socota hogaaminta sare ee xukuumada iyo shacabka DDSI, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdirahmaan oo ka mid ah salaadiinta waawayn ee Soomaliland iyo Itoobiya kana mid ah salaadiinta soo jireenka ah ee laga yaqaano guud ahaanba gayiga soomalida islamarkaana suldaan siwayn u daneeya arimaha horumarka iyo nahadgalyada guud ahaanba soomaliya gaar ahaana itoobiya iyo soomaliland.

Wuxuuna, suldaanku hadalkiisa ku bilaabay sidan” aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magacyada beelaha aan suldaanka u ahay ee kala daga itoobiya iyo soomali land iyo dhamaanba inta daynsa arimaha horumarka iyo nabadgalyada ee dalka itoobiya gaar ahaana dawlad deegaanka soomalida itoobiya, waxaan hanbalyo mug leh u dirayaa guud ahaanba JDFI iyo gaar ahaana hogaaminta sare ee xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI sidii qiimaha iyo kudayashada mud nayd ee ay u dhacday doorashadii heer qaran ee dhawaan ka qabsoontay dalka iyo deegaankaba, taasi oo u qabsoontay is nabadgalyo oo cilmiyaysan waxayna, muujinaysa in shacabka iyo xukuumada ay u bislaadeen arimaha horumarka iyo xasiloonida dalka iyo deegaanbaka.

Suldaanku isaga oo sii wada hadalkiisa ayaa waxa uu yidhi, waxaan, kale oo hanbalyo qoto dheer aan u dirayaa, xukuumada DDSI hogaaminaya madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar guulo horumarineed ee ku dayashada mudan ee ay sanadihii ugu danbeeyay u soo hooyeen shacabka DDSI, ee dhinac kasta leh sida isbadalka iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha deegaanka, kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaha aas aasiga ah, la dagaalanka saboolnimada iyo jahliga, taasi oo deegaanka soomalida itoobiya wakhtiyadii hore lagu tilmaami jiray deegaanada dib uga dhacay dhinaca horumarka.

Balse hada la jaan qaadaya, ama kaba dheerayna markaa eegto cabirka xawaaraha horumarineed ee uu ku socdo deegaanada horumaray ee dalka itoobiya.Taasina waxaa, keenay nidaamka hogaaminta dhalinyarada ah ee dajistay qorshyaal iyo istaraatajiyo cilimaysan oo si buuxa loo fuliyo laana hirgaliyo.

Waxaa, kale oo aan si gaar ah ugu hanbalyaynayaa kuna amaanayaa madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar qorshaha cusub ee   horumarineed ee xigmada hogaamineed ee uu ku soo daray qorshayaasha taasi oo aan hore loogu arag guud ahaanba hogaaminta siyaasadeed ee   gayiga soomaaliyeed. taa oo ahayd in madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, iskugu yeedhay dhamaan madaxwayne yaashii iyo masuuliyiintii ka horeeyay ee soo martay deegaanka isaga oo madaxwaynuhu u muujiyay tixgalin iyo xurmaynta ay ku leeyihiin deegaankooda una qabtay xaflad uu ku maamuusayay qadarinta xurmaynta ay leeyihiin madaxwaynayaashii hore kuna booriyay in ay ka qaybqaataan arimaha horumarka ee ka hananqaaday deegaanka, iyagana wixii waayo aragnimo ah,laga qaato, waxayna noqotay mid taariikhda deegaanka baal habad ah ka gashay, noqotayna mid ay ku dayan doonaan hogaaminta afrika gaar ahaan kuwa gayiga soomalida.

Ugu hanbayntii waxa uu Suldaan Ismaaciil suldaan Cabirahmaan ku soo dabaalay hadalkiisa” waxaan taageero iyo hanbaylo durugsan u hayaa xukuumada iyo shacabka uu horumuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar ee mudada yar ku gaadhay horumarka buuxa iyo xaslinooni waarta, waxaan leeyahay hallaasi ka sii wada hore u socodka horumarineed ee aad gaadheen dawladaha aad dariska tihiina waxay hiigsanayaan tusaalena idiinka qaadanayaal halbeegyada aad ku cabirteen kuna gaadheen horumarka buuxa iyo xasiloonimada taamyeeshay.

XIGASHO CAKAARANEWS.COM

COMMENTS
LINKS