Sudaanka Guud Ee Jaaliyadda Qurbe-jooga Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sudaanka Guud Ee Jaaliyadda Qurbe-jooga Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Hargaysa
June 14, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa (WJ): Suldaanka guud ee jaaliyadda qurbe-jooga Somaliland Suldaan C/laahi Cismaan Aw Xasan ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa, isagoo Suldaanku ka soo kicitimay dalka Canada oo uu degan yahay.

ss ss2

Waxaana Suldaanka markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Hargeysa, halkaasi ku soo dhaweeyay salaadiin, cuqaal, xildhibaano siyaasiyiin, dhalinyaro, haween iyo dadweyne aad u tiro badan.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, oo ah mudane ka tirsan golaha Wakaiiladda Somaliland, oo halkaasi ku soo dhaweeyay  si weyn u Suldaanka qurbe jooga Somaliland.

Chief caaqil Dayib Cabdi Ciidle, oo isna halkaasi ku soo dhaweeyay Suldaanka qurbe jooga Somaliland ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Suldaanka oo muddo wadanka ka maqnaa.

waxa uu yidhi “Waxaa maanta ii farxad ah in aan ka soo qaybgalo soo dahweynta Suldaanka qurbe jooga Somaliland, oo ah Suldaan masuuliyad weyn haya, isagoo dhamaanba qurbe joogu ay u caleemo saareen inuu Suldaan u noqdo”.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Xuseen Aw Muuse isagoo Suldaanka ku soo dhaweeyay dalkiisa hooyo, isla markaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa. Waxaanu yidhi “Suldaanka waxaan leeyahay soo dhawoow Suldaan, waxaad timid dhulkaagii, dadkaagiina way joogaan, gacamo furan ku soo dhawoow ayaanu ku leenahay, waananu ku sharfaynaa”.

Suldaan C/laahi Cismaan Aw Xasan, Suldaanka qurba jooga ee Somaliland oo isna ka hadlay madashii lagu soo dhawaynayay, ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay sida qiimaha leh ee loo soo dhaweyay waxaanu yidh “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay maanta sida qiimaha leh ee aad halkan iigu soo dhawayseen, dhamaantiinba, rag, dumar, xildhibaano, salaadiin, cuqaal iyo waxgarad iyo ardayba, aqoonyahanba. Si aad iyo aad u weyn oo aan la qiyaasi Karin ayaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad ii soo dhawayseen. Waanad mahadsan tihiin boqolkiiba boqol”.

Isagoo ka waramayay waxyaabaha dhinaca horumarka ah ee dalka iska bedelay mudadda uu ka maqnaa waxa uu yidhi “Waxa kale oo aan halkan ka sheegayaa waa markii shanaad ee aan wadanka ku soo noqdo muddo 28 sanadeed ah, mar uun baan Berbera ka degay intii kaleba Hargeysa ayaan ka soo degay.

Waxaan arkayaa waxqabad weyn iyo sibedel ku dhacay madaarka Hargeysa oo iiga muuqda, oo la taaban karo, oo aan la dafiri Karin iyo horumar ayaan arkayaa. Maalintii iigu danbaysay 2010-kii siduu ahaa iyo maanta aad ayuu u kala duwan yahay. Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa xukuumadda waxqabadka ay samaysay,w aanan ku amaanaynaa dawladda”.

Dhinaca kale Suldaan C/laahi waxaa uu baaq u diray qurbe jooga Somaliland oo uu u soo jeediyay inay dalkooda horuamrkiisa ka qaybqaataan. Waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay qurbe jooga oo dhan waydinkaa arkaya wadankiina wax soo tara dhallinyarta tahriibaysa dhulkooda quruxda badan leh ee aynu ku soo yaacayno ha ilaashadaan.

Waxaanan leeyahay isku taga, haddii aan ahay Suldaankii qurbe jooga shaqadaydu waxa weeye in aan idin idhaahdo shan shan qof isugu yimaada oo shaqo yar abuura, oo shan ian oo tahriibi lahaa ay ka shaqeeyaan, aynu mid noqono, aynu dedaalno, sidaas iyo shaqo wanaagsan”.

Suldaan C/laahi Cismaan Aw Xasan, ayaa saddex sano ka hor lagu caleemo saaray dalka Canada in uu noqdo suldaanka guud ee jaaliyadda qurba-jooga reer Somaliland, iyadoo ay xilkaasi u doorteen dadka qurbe-jooga ahi. mudadii uu xilka hayayna waxa uu suldaanku buuxiyay kaalin dhaqan oo si weyn loogu baahnaa, isla markaana waxa uu ka shaqeeyay inta uu xilka hayay barnaamijyo dan guud ah.

 

COMMENTS
LINKS