Soraan Iyo Jawaan Sumacadoodi Waxay U Sadqeeyeen Siilaanyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soraan Iyo Jawaan Sumacadoodi Waxay U Sadqeeyeen Siilaanyo
June 6, 2015 - Written by Editor:

Dunida jilaaysha iyo majaajilaystayaasha riwaayaduhu markay fursada u helaan madaxda waxay tebiyaan fariinta bulshada ay ka sidaan waxay farta ugu fiiqaan hadba galdaloolada xukumaddu leedahay si loo saxo, waxaa tusaale inoogu filan ummad ahaan dawladii siyaad barre kacdoonkii ugu daraa wuxuu ahaa hal-abuurkii xaqiiqda nolosha bulashada sawiri jiray ee aan qarin jirin tabashada bulshada, masrixiga bulashadu waaka waqtigaa xaqa ku adimaayay markasta oo dheeli jiraan ka dhab sheegi jiray xaaladda dalku maraayo. Habeenka waxay ahayd in Sooraan Iyo Jawaan madaxweynaha gaadhsiiyaan caddalad darada, musuqa, eexda qabyaaladda iyo qaraaba kiilka ragaadiyay dawladnimadeena, duruufaha nololeed ee ku gadaaman bulashada la tabaalaysan sixirbararka, shaqo la’anta iyo rajo la’aanta dhallinyarada. Mayse ahayn inay guul wadayn iyo been ku maaweeliyaan madaxweynaha oo ay kaga qosliyaan erayada ay jecel yihiin mooganayaasha xaqiiqda necebi.

Jilayaahsa caanaka ah ee Sooraan iyo Jawaan waxa lagu yaqaannay masrixiyado ka hadlaaya dhibaatooyinka dhaqan bulsho hadba wadciga taagan ee bulshadu tabayso, waxay ahaayeen cod baahiye danyarta dhawaaqooga iyo dulmanaaysha aan cidi ogayn  gaadhsiya xukumadda. waxay ahayaane waciygeliyayaal ka hadla barnaamijyo manfac leh oo turjumaaya hadba baylahada taagan, waxay ahaayeen laba jile oo bulashadu jeceshahay masrixiyadahooda xaalada nololeed ee dhabta ahna sawira.

Labaddan masrixi waxay caan ka yihiin  gayiga soomliyeed waxaanay ahaayen majaajilaystayaal la majeerto oo ku suntan dhexdhexaadnimo intabadana u janjeedha bulshada iyo dareenkooga kana madaxbanaan siyaasad iyo ku shubashada xukumadda, waxay ka nabad qabeen dhaameelka iyo dhadhamada ibtilaysay odayada qaar iyo koofiyad baclayaasha loo adeegsado tabinte ammaanta dhalanteedka ka ah ee xukumaddu ku leddo.

Jilaaysha waxa lagu yaqaan inay soo bandhigaan xaqiiqda dhabta ah ee jirta bulshadana turjumaan si ay u dareensiyaan hadba cida masrixiyadooda hor fadhida, wax alaga filaayay inay madaxweynaha oo ay fursad u heleen habeenka dhaadsiiyaan xogaha rasmiga ah ee laga qariyo iyo tabashooyinka bulshadu tebayso ee aan  gaadhsin qasriga xaqiiqda daaha laga saaray, waxa la rajaynayay sidii awlba dhaqanka u ahayd inay masrixiyadooda ku saleeyaan dareen bulsho, lames filayn inay cid ku humeeyaan cidna ku guuleeyaan.

Habeenka madaxweynaha waxay ku madadaaliyeen guulwadayn iyo mala-awaal sheekyoon dhamaan salka ku haya ka qoslinta erayada dhegaha dadka ku xeeran xukumaddu maqlaan, waxay xaqireen oo ay ku sameeyeen bahdilaad aanay mudnayn saxafadda u taagan tabinta xaqiiqda oo ay ka dhigeen kuwo dadka u sheega been iyo warar aan sal iyo raad toona lahayn, waa nasiib daro aanay mudnayn saxaafadda xorta ahi, erayada ay adeegsadeen waxa ka muuqatay in saxaafaddu ay qorto warar aan jirin, habbeenka waxay waayeen kumanaan taageerayala waxa kale oo ay waayeen saxafaddi garabkooga ahayd markii ay habaaska fadhiyeen bulshadana bartay hibooyinkooga cuddon.

Doorka shaacbaxa iyo caanimada labadan jilaa oo saxafadda madaxbanaani lahayd ayaa abaalkoodi noqday hal bacaad lagu lisay, waxaanay u muuqataa inay dhinaca saareen xukumadda oo ay siilaanyo u hibeeyeen masrixyadoodi, jilyaashani inay dhex ahaadan oo ay masrixyadooda ku koobnaadan balse aanay gelin arinka maanta ummada ka niyad jabshay. miyaanay  Sooraan iyo jawaan sumacdoodi u sadqeeyeen siilaanyo?

Sawirka Sooraan Iyo Jawaan maanta laga haystaa waa  niman u xigta hadlay siilaanyo oo u tagaeeray si aan gabsho lahayn, waxanse leeyahay inaad taageertaan xaqbaad u leedihiin been iyo boorabagando aad saxafadda ka fidisaan inaad ku taageertaan waa laga habboona, xaqiiqdana lama qarin karo oo saxafaddu waa mikirifoonka xaqa laga baahiyo, intaad aad ku tebiseena ku joojin maayan soo bandhigida baylahada iyo hogaanka lumay ee la tabayo.

Haddi aad habbeenka ka qosliseen oo aad ka farxiseen kontan qof ogaada waxaad niyad jabisheen kontamaan ku noo kale, waxaanad muujiseen janjeedh inaad dhinac tihiin masrixiyad danbena cidi idinka qaadan mayso oo hadaad dareen leedihiin habbeenkaba sidaa maydun yeesheen waxaad ku adimi lahydeen xaqa waxaanad soo tebib lahaydeen xaqiiqda iyo xanta xukuumadda waqtigeedu dhamaaday.

Xafaladda ay ka guulwadaynayeen jilaayshu waxa soo abaabulay maareeyaha haamaha shidaalka. Marka si miyir qabta loo odoroso qiimaha Galay dhismaha xadhiga laga jaraayay waxa  ka xaddi badnaa qadarka lacagta lagu abaabulay xafaladda madaxweynaha lagu maaweelinayay, dadka xafaladda ka qayb galay badidooda waxa laga casuumay gobolo ka baxsan saaxil, lacagta habbeenka lagu faakihaystayna waxa mudnayd in lagu taageero danyarta la taagta daran xagaaga iyo  oonka ka taagan magaalo xeebedka berbera haddi daacad layahay.

Maxamed Sadiiq.

COMMENTS
LINKS