Soonku Yuu ku waajibey? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soonku Yuu ku waajibey?
June 27, 2015 - Written by Editor:

Soonku wuxuu ku waajibey cidda Shuruudahan leh:-

  1. Qof kasta oo Muslim ah.
  2. Qaan gaadh ah.
  3. Caqli fayow leh.
  4. Aan bukin.
  5. Aan Safar ku jirin.
  6. Ka nadiif ah Dhiiga Caaddada & Dhalmada, tan oo Dumarka ku gaar ah.

Haddii ay tahay hooyo uur leh ama Nuujinaysa waxay ku xidhan tahay hadba sida ay u awoodo. Qofka waayeelka ahi wuxuu la xukun yahay dadka aan Caafimaadka qabin ee cudur daarka leh. Sidaa darteed Soonku kuma waajibo Qof aan Muslim ahayn, Qof aan qaangaadh ahayn, Qof waalan ama dhiman, Qof buka, Qof Socdaal ah, Gabadh leh dhiiga Caaddada ama Dhalmada. Qofka Gaalka ah Cibaadadu kama ansaxayso ilaa uu islaamo, Qofka Waalan iyo kan aan qaangaadhin, waxa si gaar ah u sheegay Xadiiska Nebiga NNKHA wuxuu yidhi: Qalinka waa laga kor qaaday Saddex: kan waalan ilaa uu miyirsado, kan hurda ilaa uu baraarugo, kan Sebiga ah ilaa uu qaan gaadho”. Markaa Saddexdaa wax Takliif (Xil Cibaado) ahi ma saarna, Qofka yar ee aan qaan gaadhin Soonka waa la amrayaa inuu soomo si uu ugu tababbarto hadhowna ay ugu fududaato, saxaabadu carruurtooda way soomin jireen sida ay sheegtay Gabadha Rubayac bintu Mucawada waxay tidhi:

 

“Rubayac Bint Mucawad waxay tidhi: Rasuulku Subaxii Cashuuraa, wuxuu Xaafadihii Ansaarta u soo diray in Qofkii waagu u beryey isagoo sooman, ha dhamaystirto, Qofkii isagoo afuran waagu u beryeyna ha af xidhnaado, intaa ka dib waanu soomi jirney (waxay u jeeda Maalinta cashuura oo ah tobanka Bisha Muxarram), Carruurta yaryarna waanu soomin jirney, waxaanu geyn jirney masaajidka, waxaanu u samayn jirney Cayaar ka samaysan Suuf (Cudbi), marka ay cunto u ooyaan ayaanu siin jirney si ay ugu mashquulaan ilaa afurka la gaadho.

 

Waad garan kartaa Qofka yare ee marka uu cunto u ooyo lagu jeedinayo cayaar yar oo suuf la duudubay ah inta uu leeg yahay, inagana waxa laga yaabaa in Qofkii yaraa oo awoodi kara inuu soomo aan lagu dhiirigelin inuu soomo, hadhowna uu caado ka dhigto inuu Soonka ka wareegaalaysto, carruurta in la soomiyo xil gaar ah ha la iska saaro.

 

Culimada qaarkood waxay uga qiyaas qaateen Salaada, waxay yidhaahdeen waa in toddoba jirka lagu soomiyo, hadduu Toban jir soo gaadho waa in si caadi ah uu u soomo, Sidii aan kor ku soo sheegnay waxa jira dad loo ogolaaday inay afuraan laakiin laga doonayo inay soo celiyaan oo qalle la yimaadaan, ama fidyo iyo cunto ay bixiyaaan.

 

Qofka weyn ee waayeelka ah, Qofka buka ee aan xanuunkiisa la rajaynayn inuu ka bogsado, labadaasi waxay bixinayaan cunto Maalin kasta oo Soon ah, waxayna dherginayaan hal miskiin.

Qofka xanuunsanaya ee xanuunka inuu ka bogsado la filayo iyo Qofka socdaalka ah labadaa waxa laga rabaa inay soo qaleeyaan wixii ka tegey.

 

Socdaalka ama safarku haddii uu iska fudud yahay, Qofku wuu soomi karaa haddii aan dhibi ka soo gaadheyn, ruqsadna wuu haystaa hadba kii maslaxadi ugu jirto ha Qaato. Qofka Dumarka ah ee dhiiga caaddada ama dhalmada leh iyadana waxa laga rabaa inay soo qalayso wixii Soon dhaafay, Waxa Nebiga NNKHA Xadiis aynu kor ku soo xusnay ku yidhi:- Qofka Dumarka ah ee uurka leh ama nuujinaysa iyaduna waxay haysataa ruqsad sida Xadiis ku yidhi: “Illaahay wuxuu ka dhaafay musaafirka Salaada badhkeed, iyo Soonka iyo Tan uurka leh iyo Tan nuujinaysa”.

Gabadha uurka leh haddii ay xamili waydo Soonka ama ilmaheeda ay u cabsooto, maxay Soonka ka yeelaysaa? Cullimadu dhawr qawl ayey ka leeyihiin:

  1. Way afuraysaa oo waxay la imanaysaa qalle iyo Cunto ay bixiso. ( Waxa qaba Mad’habaha Shaaficiya & Xambaliya)
  2. Way afuraysaa oo waxay la imanaysaa qalle keliya ( Waxa qaba mad’habka Xanafiyada)
  3. Way afuray oo waxay la iman cunto ay bixiso keliya ( Waa mad’habka C/laahi Ibnu Cabaas & Cabdulaahi Ibnu Cumar.)
  4. Ta nuujinaysa waxa lagu leeyahay qalle iyo Cunto bixin, tan uurka leh waxa lagu leeyahay Qalle keliya. (Waxa qaba mad’habka Maalikiyada)

 

Qolo kastaaba waxay dalliishadeen Dalliilo ay ra’yigooda ku xoojinayaan laakiin qawlka ugu nabad gelyada badani waa inay Soon qalle ah la yimaadaan, maadaama ay cudur daar ku afureen.

COMMENTS
LINKS