Siyaasi Yuusuf Budle Oo u Riyaaqay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo Xili Bulshadii Dooratay Quus Ka Joogto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Yuusuf Budle Oo u Riyaaqay Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo Xili Bulshadii Dooratay Quus Ka Joogto.
June 21, 2015 - Written by Editor:

Aqoonyahan yuusuf budle oo ah Gudoomiyaha  ururka , NURP kana mid ahaan shaqsiyaadka   sida iskumidka Ah u dhaliila siyaasada xusbiyada somaliland iyo xukuumada ayaa dhawan wuxu safar ku joogay magaalada hargaysa isagoo mudadaa uu dalka jogay gacanta u galay xubno kamida dhalan habaabista xukuumada siilaanyo,

dhaliil kadib wuxu caawa barta uu ku leeyahay facebookga soo dhigay iyo wax isbadalayba bal aan eegno qoraalkiisan;

siyaasi fashilmay 1 siyaasi fashilmay 2

 

Kadib iswaraysi iyo u kuurgal qotodheer iyo ka wada hadal siyaasada Arrimaha Dibeda ee Somaliland, gaar ahaan xoojinta xidhiidhka gaarka ah ee ay S/land la leedahay dalka aynu deriska nahay ee Ethiopia, isla markaana ah halbowlaha koowaad ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo weliba siyaasasada aqoonsiraadiskaba, waxa aan 100% ku qanacnay, isla markaana taageersanahay dardar gelinta xidhiidhka gaarka ah ee S/land iyo Ethiopia.

Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne A.M.M Siilaanyo way leedahay dhaliilaheeda, wayna leedahay amaanteeda, waxase muhiim ah in aan qiro in dedaalka cusub ee ay hada u galeen xoojinta xidhiidhka aynu la leedahay dalka Ethiopia iyo weliba dalalka UAE iyo Saudi Arebia-ba ay yihiin talaaboiyin u baahan dhiiri gelin, taageero iyo weliba amaan.

Waxa aan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa shaqsiyaadkii ka shaqeeyay in uu suurto galo is xog waraysigan siyaasadeed iyo weliba kulamadii googooska ahaa ee aan la yeeshay madaxda ugu saraysa ee xukuumada, xisbul xaakimka iyo xisbiyada mucaaridkaba.

Guul iyo Gobonimo.

Yusuf Budle, NURP Chairman

Hargeysa, Somaliland.

COMMENTS
LINKS