|
|||||
WAJAALE NEWS
Sidee Loo Baajin Karaa Dilka Uu Sabobo khilaafka Dhulku? Dood Furan
June 12, 2015 - Written by Editor:Qormadan Waxay Noqon Doontaa Taxane Aynu Ku Lafo Gurro Dhibta iyo dilalka Uu Sabobo Muranka Dhulku, iyo sida xal kama dambays ah loogu heli karo mashkaladan soo noq noqotay.
GOGOL DHIG. Jamhuuriyada Somaliland ayaa hadda 24 jirsatay, waxayna soo martay marxalado kala duwan oo leh dhinac kasta . Burburkii dhaqan-dhaqaale ee ku habsaday dadka reer somaliland, waxa laga Dhaxlay dhibaatooyin sida folkaanaha hoosta ka shidan oo kolba dib u qarxa, Geystana khasaare dhimasho iyo burbur hantiyeedba yeesha. waxase dhibta ugu weyni ka taagan tahay, dhimashada ugu badanina ka timaadaa waa muranka iyo khilaafka lahaanshaha dhulka, gaar ahaan magaalooyinka. Arinta dhulka ee noqotay aafada weli aan xalka loo helin, bal aan ku xasuusiyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee uu sababay muranka dhulku. Dhacdadii warshadii hargaha iyo Saamaha, oo ay dad shicib ahi weerar ku soo qadeen ciidamada qaranka ee halkaa degen, Kuna naf waayeen 4 Askari oo kamida ciidanka qaranka ah. dhawaan ayaa haddana, muran dhul Ku yaalla MASALAHA, waxa ku naf waayay hal qof. Dhacdadii sedexaad ayaa ahayd muran dhul ku yaalla Agagaarka Kantaroolka galbeedka hargaysa, halkaas oo ay ku naf waayeen seddex Askari oo ka mid ah ciidanka booliska somaliland, kuwaas oo ay gaysteen dabley isa soo abaabushay oo sheeganaysay lahaanshaha dhulkaasi dilku ka dhacay. dhacdooyinkani waa kuwii ugu dambeeyey, balse dilalka dhulku intaas kuma koobna. Aragnay oo dhibtii dami weyday, dilkii dhulkuna joogsan waa oo weli xal kama dambaysa la heli waa, su,aalaha is weydiinta lihise waxay yihiin:
Xalka Talo rag kama dhammaato’e, anigu waxan xalka u arkaa in labadan qodob ee hoos ku yaalla lagu baajin karo dhiiga iyo dhagarta uu sababo muranka lahaanshaha dhulku.
Male rag waa dhawrtee, bal adna sidaad xalka u aragto nala wadaag. FADLAN ARAGTIDAADA KUSOO DIR EMAIL; Sharciyadadhulka@gmail.com ARAGTIDII; MUWAADIN ILYEES YUUSUF CILMI WAJAALENEWS DESK
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|