|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirqoolada Haayadaha UNtu Ka Dhex Wadaan Somaliland Iyo Dabacsanaanta Xukuumada Siilaanyo + War La,Aanta Shacabka'””
June 3, 2015 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews) Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Hada Jirtay Mudo 24sano Mudadaasi ay jirtay Dawlada Somaliland Waxay soo Martay Marxalado Kala Duwan Oo Dhinacwalba Leh Dhamaantoodna Waxaa Lagaga Baxay Talo Wadaag, Isku Duubni, Wadatashi , Somaliland Ayaa xiligan Maraysa in ay Dhamaystirtay Dhamaan Hanaanka looga baahan yahay Dawlad Iyadoo Guulaha Somaliland ay yihiin kuwo ku yar Qaarada Afrika amaba aanay gaadhi in ay isku doortaan si xora dadkuna u bislaadeen dhismaha dawladnimo, Iyo tartanka xusbiyada badan Hadaba dhamaan guulaha ay gaadhay somaliland ayaa waxa barbar socday hadimooyinka iyo hagardaamada ay ku hayaan cadowga somaliland oo ay hormuud ka yihiin Haayadaha Qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah hayadahan ayaa dhamaan ka shidaal qaata xukuumada fashilantay ee ka dhisan MUQDISHO amaba waxaa la odhan karaa Xukuumada Afka ku dhisan. Iyadoo ay jiraan hagar daamooyinkaa ay hormuudka ka yihiin Haayadaha Qaramada midoobay oo aan gabi ahaanba somaliland ka fulinin wax dalka iyo dadka wax usoo kordhinaya Una badan mashaariic somaliland jiritaankeeda lagu wiiqayo Hadii aynu siwaydiino Maxaa Sobobay In Hayaadaha Caalamiga ahi Ay Ixtiraami Waayaan Rabitaanka shacabka somaliland? Maxaa keenay in ay Xogta Somaliland Gudaheeda Ay ka Ururiyeen In Ay Ugud Biyaan Xukuumada AFKA ku Dhisan ee Somaliya?Xagayse Sartu ka Qudhuntay? Dhamaan Madaxda Haayadaha Unta Iyo Kuwa Caalamiga ahi Xagee laga Soo qaataan amaba halkay kasoo jeedaan,Shaaqalaha Hoosaadka Maxaa Keenay in Ajaanib keenaa iyadoo ay Shaqada Muwaadiniinta Reer Somaliland Qaban Karaan? Doorkii Xukuumada somaliland Maxaa Iska Badalay Intan Madaxwayne Siilaanyo Talada Dalka Hayay? SU,AALAHAN; Jawaabahooda Waxaan u Dhaafayaa Bulshada Reer Somaliland Iyo Akhristyaasha Hadii Aynu u daadegno Ujeedada Qormadeenan Dhawaan Ayay Ahayd Markii Haayada Qaramada Midoobay Ee UNFPA Ay Xogtii Shacabka Somaliland u gudbisay Dawlada Somaliya Iyadoo ka dhigaysa in tiro Koobkaasi yahay dhamaan gobolada somaliya amaba Wixii laysku Odhan Jiray Somaliya iyadoo Wasaarada qorshayta Somaliya u Isticmaashay In ay Dawlad Ahaan Tiro koob ka fuliyeen Gobolada Odhan Arinta Ayaa Ahayn Mid Ku Cusub Shacabka Somaliland Iyadoo Markii Hore Ee Ay Tiro Koobkan Qadaysayba Helay Xogtooda Ayna Tiro Tilmaantay In Dadka Ku nool Caasimada Hargaysa iyo Boosaaso Ay Tiro ahaan Badan yihiin kuwa ku nool Boosaaso , moran iyo wada hadal ka Dib Waxay Qirteen in ay waxka Qaldameen Dibna ay ugu Noqonayaan Tirada Saxda ah Xiligaa Xukuumada somaliland waxba kamay odhan Tan Imikana Aanay Ka Qaadan go,aan adag, Aan Ahay Calaacal Wasiirka Qorshaytu Dr sacad Cali Shire Warbaahinta mariyay isagoo sheegay in Ay Dacwad Ka Gudbiyeen Haayadaa , Hadaba shacabka somaliland Oo Iyagu Ah Kuwo Ilaashada Nabadgalyadooda ,kana foojigan cidkasta oo kusoo duusha jiritaanka Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland Ayaad Moodaa In Mudooyinkan Ay Ka Seexdeen In ay Cadawga Somaliland Ilgaara Ku Eegaan, Arinta Ayaa Waxaa Laga Warsugidoonaa Sida ay uga Gilgishaan Shacabka Somaliland Habdhaqanka Haayada UNFPA oo Caadaysatay Burburinta Somaliland Caana Ku Noqotay Fidinta Mabda,a Somaliya Amaba FEREDARAALKA Taasi Oo Lidku Ah Somaliland LASOCO QORMOYINKA DANBE OO AYNU KU SOO BANDHIGI DOONO SHIRQOOLADA HAAYADAHA UNta iyo kuwa caalamiga ahba.
WAJAALENEWS DESK HARGAYSA SOMALILAND WRITEN WAJAALENEWS STAFF EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|