Shiinaha Oo Dhaqan Galinaya Sharci Adag oo lid ku ah Cabista Sigaarka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shiinaha Oo Dhaqan Galinaya Sharci Adag oo lid ku ah Cabista Sigaarka.
June 1, 2015 - Written by Editor:

Beijing(Wajaalenews)Dawladda Shiinaha ayaa dhaqan galinaysa Isniinta maanta Sharci Sigaarka lagaga mamnuucayo meelaha dadku iskugu yimaado ee Caasimada Beijing. Xeerkan oo ah mid adag ayaa jidaynaya inaan Sigaarka lagu cabi karrin Xafiisyada,Hotelada iyo gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale meelaha ka ag dhaw Iskuulada iyo Cisbitaalada.

chines

Sharcigan ayaa sidoo kale meesha ka saaraya in meheradaha Dugsiyada hoose dhexe iyo Dugsiyada Barbaarinta caruurta u jira ilaa 100 Mitir aanay iibin karrin Sigaarka.

Cidkasta oo Sharcigan ku xadgudubta waxaa lagu ganaaxayaa lacag dhan $30 Dollar, halka goobta ganacsi eek u getana lagu ganaaxayo ilaa 1,600 Dollar.sidoo kale qofka 3 jeer jabiya sharcigan waxaa magaciisa lagu qorayaa laguna ceebaynayaa Website-ka Dawladda.

Komishanka Caafimaadka Qaranka iyo qorshaynta Qayska ee Shiinaha ayaa sheegay in dadka Sigaarka Cabbaa gaadhayo ilaa saddex boqol oo milyan (300 Milyan), sidoo kalena Cudurada Sigaarku keeno ay sanadkasta u dhintaan dad gaadhaya hal milyan oo qof.

Inka badan kala badh dadka Shiinaha ee Sigaarka cabba ayaa Sigaarka ku iibsada Qiimo lacageed oo ka yar $0.80 Dollar.

Dawladda Shiinaha ayaa xoogga saaraysa hirgalinta Sharcigan, iyadoo munaasibado wacyi galin ah qabanaysa sidoo kalena garoomada Ciyaaraha iyo meelaha kale ee lagu kulmo ku dhejinaysa farriimo gudbinaya Sharcigan.

 

COMMENTS
LINKS