Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Ka Socda Itoobiya Ee AMISOM Oo Isku Dhiibay Al-shabaab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Ka Socda Itoobiya Ee AMISOM Oo Isku Dhiibay Al-shabaab
June 29, 2015 - Written by Editor:

BAY(Wajaalenews— Wararka laga helayo Degmada Ufuroow ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ah howlgalka AMISOM ee Somalia oo magaciisa lagu sheegay John ayaa isku dhiibay ururka Al-shabaab, kaddib markii uu ka baxsaday saldhig ay ciidamada AMISOM ee ka socda Itoobiya ku lahaayeen degmada Qansaxdheer oo ka tirsan Gobolka Bay.

Sarkaalka ayaa waxuu socad ku tagay Degmada ufurow oo degmada Qansaxdheere u jirta qiyaastii 18-km, halkaasoo ay ku sugan tahay xoogagga Ururka Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn sababta ku kalliftay askarigan inuu isku dhiibo kooxdan oo uu dagaal kala dhexeeyo.

Guddoomiyaha Degmada Qansax-dheere, Aadan Cabdi Qooqane ayaa warbaahinta qaar ka mid ah u sheegay in Sarkaalkan uu yahay midkii ugu Horreeyay oo ka tirsan Ciidamada ka socda Itoobiya ee AMISOM oo u baxsada dhanka Kooxda Al-shabaab.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in sarkaalkan uu u Qaabilsanaa dhinaca saadka Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Qansax-dheere; iyadoo Sarkaalkan uu Xilligaan ku sugan yahay hadda degmada Ufuroow, iyadoo wararku intaas raacinyaan inay ka tageen degmada Diinsoor ergo loo diray inay Sarkaalkan geeyaan Diinsoor.

Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa ah Saldhigga ugu weyn ee ay kooxda Al-shabaab ku leedahay Gobolka Bay, iyadoo baxsashada askarigan ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ee AMISOM ay imaanayso xilli toddobaadkii hore uu dagaal culus meel ku dhow degmada Buur-hakaba uu ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya, dagaalkaas oo dhaliyay khasaare xooggan.

Xigasho ;Hiiraan online

COMMENTS
LINKS