Safiirka Ingiriiska uqaabilsan Somaliya Oo Safar Deg-deg ah Ku Imanaysa Somaliland Iyo Xogaha laga helayo Ujeeddada Socdaalkeeda, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Ingiriiska uqaabilsan Somaliya Oo Safar Deg-deg ah Ku Imanaysa Somaliland Iyo Xogaha laga helayo Ujeeddada Socdaalkeeda,
June 11, 2015 - Written by Editor:

London, (Wajaalenews)- Safiirka cusub ee Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya haweenayda lagu magaacabo Harriet Mathews, ayaa sheegtay inay si dhakhso ah socdaal ugu iman doonto Somaliland.

Safiirka Cusub ee Inigriiska oo socdaalka ay ku imanayso Somaliland ku shaacisay bogga ay ku leedahay barta bulshadu ku xidhiidho ee Twitter, ma sheegin ujeeddada rasmi ah ee socdaalkeedu la xidhiidho, haseyeeshee, safarkeeda ayaa ku soo beegmaya xilli weli uu taagan yahay ismarin-waa muranka ka taagan wakhtiga qabashada doorashooyinka madaxtooyadda iyo Wakiillada dalka.

SAFIIRKA INGIRISKA

Ms. Mathews oo xilka kala wareegi doonta safiirkii hore Ingiriiska u qaabilsanaa Somaliland iyo Soomaaliya Neil Wigan, waxa ay sheegtay in siyaasada dalkeeda meel sare kaga jirto xaaladda Soomaaliya, iyo Somaliland muhiimad wyna u leedahay.

Xogo ku dhow-dhow socdaalka safiirka cusub ee Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ms Mathews oo Wargeyska Himilo helay, ayaa sheegay in socdaalka ay ku imanayso Somaliland ku beegan yahay maalinta Khamiista ee todobaadka soo socda.

Xogahani waxa ay intaas ku dareen in ujeeddada socdaalkeedu la xidhiidho khilaafka siyaasiga ah ee ka taagan muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, isla markaana ay kulamo la qaadan doonto Xukuumadda, masuuliyiinta Xisbiyada iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Safiirka ay xilka kala wareegayso ee Neil Wigan, ayaa dalka socdaal ku yimi dabayaaqada bishii hore xilligaas ay taagnayd xumadda khilaafka muddo-kordhinta iyo wada-xaajoodkii u socday xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, isaga oo kulamo la qaatay madaxda Xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtida. Waxaanu socdaalkiisa la xidhiidhay inuu sabab u ahaa heshiis iyo is-af-garad dhexmaray xukuumadda iyo xibiyada oo maalinta Safiirku yimi habeenkii u horreeyey ku kala kacay kulan ay ku lahaayeen Aqalka Madaxweyne ku-xigeenka, in kasta oo dhacdadaasi ku koobnayd Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo ka aragti duwanaaday Xisbiga dhiggiisa ah ee UCID iyo Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye.

Si kastaba ha ahaatee, lama saadaalin karo saamaynta socdaalka safiirka cusub ee Ingiriisku ku yeelan karo is-mari waaga ka taagan muddo-kordhinta Golaha Guurtida oo ku adkaystay in go’aankoodu yahay sharci lama taabtaan ah isla markaana ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin heshiiska ay gaadheen xisbiyada iyo xukuumadda oo lagu muddeeyey in xilliga doorashada laga dhigo bisha December ee sannadka dambe.

 

 

xigasho Himilomedia.com

COMMENTS
LINKS