Safarka Madaxwayne Siilaanyo Ee Deegaanka Wado Makaahiil Iyo Siraha Qorsoon Ee ay Wadaan Xubno Kamida Golaha Wasiiradu. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safarka Madaxwayne Siilaanyo Ee Deegaanka Wado Makaahiil Iyo Siraha Qorsoon Ee ay Wadaan Xubno Kamida Golaha Wasiiradu.
June 16, 2015 - Written by Editor:

Maxaa Keenay In Xiligan Xukuumada Siilaanyo Deegaanka wado Makaahiil Ku Hawlan Tahay Sidii Ay Degmo Cusub Ugu Magacaabi Lahayd Iyadoo

D,farawayne U Jirto 8km Muxuuse Daaran yahay safarka siilaanyo?

taliyayaasha sedexda ciidan qaran iyo siilaanyo 2

HARGAYSA(Wajaalenews) xukuumada madaxwayne siilaanyo ayaa xiligan bilowday arimo ay dawladii daahir riyaale ku dhiili jireen xiligigii ay ay mucaaridka ahaayeen

Xukuumada ayaa maalmihii udanbeeyay ku walanayd sidii ay deegaanka wada makaahiil oo galbeedkaga beegan degmada farawayne una jirta 8km oo kaliya

Warar Xogogaala oo shabakada wajaalenews heshay ayaa tibaaxay in wafti culus oo u hogaaminyo madaxwayanaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay safar ku tagayaa Tuulada wado Makaahiil ujeedada safarkooda ayaa   daaran sidii degmo loogu magacaabi lahaa islamarkaana xadhiga ay ka jari donaan Ceel biyood mudo hore ay xadhiga ka jareen xubno golaha wasiirada ka tirsan

DHinaca kale wararka aanu helayo ayaa tibaaxay in mudooyinkii udanbeyay xubno kamida golaha wasiiradu ay ku hawlanaayeen sidii degmada farawayne iyo Tuulada wado makaahiil loo kala jari lahaa bulshada wada degtana layskaga horkeeni lahaa Arinta ayaa debada usoo baxday markii Gaadhi Anbalaasa oo lasiiyay tuulada wado makaahiil aan laga wargalin maamulka degmada farawayne oo maamusha tuuladan

Arinta ayaa sida ilo u dhowdhow madaxtooyadu noo xaqiijiyeen in looga dan leeyahay sidii bulshada degta deegaanka wada makaahiil oo xukuumada siilaanyo xiligan mucaaridku ah cod loogaga raadin lahaa

Dhanka kale qaarkamida golaha wasiirada ayaa ujeedadoodu tahay sidii ay uga horti lahaayeen siyaasada gudoomiyihii hore ee gobolka togdheer muj AXMED XAMARJE oo xiligan ah mucaaridad adag kana soo horjeeda siyaasada siilaanyo. wasiirada beesha sacad muuse ka soo jeedana ay iska caabin kari waayeen siyaasadiisa oo ah mid saamayn ku yelatay guud ahaan deeganada beeshiisa

Kooxdan wasiirada ah ayaa arinta iyo qaarkale oo ay kawadaan deegaanada xeebta uga danle sidii ay iskaga horkeen lahaayeen bulshada wada degta Farawayne iyo wado makaahiil

Madaxwayne siilaanyo ayaa lafilayaa in uu maalmaha soo socda u kicitimo deegaanka wado makaahiil xili bulshada deegaanku ku hawlan yihiin sidii ay wax soo saar u samayn lahaayeen awoodna u lahayd wafti culus oo gaadiidkooda oo kaliya uu saamayn ku yeelanayo dhulka wax laga beerayo

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

si kastaba ha ahaatee waxaa laga warsugi doonaa muuqaalada dhabta ah ee ay xukuumadu uga dan leedahay kala fogaynta bulshada wada degta deegaanka ay maamusho degmada farowayne

COMMENTS
LINKS