|
|||||
WAJAALE NEWS
Raysala Wasaarihii Hore Ee Somaliya Farmaajo Oo Sheegay In Dowladdu Ku Fashilmatay Daryeelka Iyo Bixinta Mushaaraadka Ciidamada.
June 10, 2015 - Written by Editor:Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Dr. Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa sheegay in Dowladda Somaliya uu hal sano u hadhsan yahay, laguna jiro waqtigii kala guurka. “Xaaladda Somaliya hadda ku jirto waxan u arkaa xaalad kala guur ah oo ka hadhay muddo hal sano ah waqtigii Dowladaan loo igmaday oo howlo badana ay u hadhsan yihin, qaar ka mid ahna ay wax ka qabatay.” Ayuu yidhi Maxamed C/laahi Maxamed. Wuxuu soo hadalqaaday in Dowladda Somaliya ay markasta sheegi jirtay inay wax ka qabanayso arrimaha ammaanka, tiiyoo ay u muuqato mid aynaan weli dhaqangelin, isagoo intaa ku daray inay Dowladdu ku fashilmatay bixinta mushaaraadka ciidamada iyo daryeelkooda Waxaa ugu muhiimsan oo laga filaayay Dowladdaan Xasan Sheekh Madaxweynaha ka yahay inay kow arrimaha muhiimada saarto oo kow iyo labo iyo saddex ay tiri waa arrimaha ammaanka. Waxaan u arkaa in laga gaabiyay in ciidamada ammaanka waxa ay u baahan yihiin la siiyo, sida agabkooda, mushaaradooda iyo daryeelkooda intaba.” Ayuu yidhi Maxamed C/laahi. Isagoo la hadlaayay BBC, ayaa wuxuu soo hadalqaaday Dhismaha Maamul Goboleedyada dalka loo dhisaayo, iyadoo lagu saleynaayo Nidaamka Federalism-ka, si dalka iyo dadka Somaliyeedba loogu dhaqo. “Maamul Goboleedyada la dhisaayay inay weli qabyo yihiin tii Gobolada dhexe ay taagan tahay siyaabo ka duwan. Howshaan arrimaha Federaalka lagu qaban karo ayaa jirtay in Dastuurka la raaco oo Dastuurka sida uu yahay loo fasiro oo Maxkamadda Dastuuriga la dhiso.” Ayuu yidhi Farmaajo. “Haddii khalad uu ka yimaado si ay u cadeyso, laakiin Maxkamadii Dastuuriga ma dhisno, runtii waxaan oran karaan howshaan bilowgeeda ayay xumeyd Jubbaland iyo Maamulada kale dhismahooda waxa ay ahayd in Baarlamaanka laga siiyo qayb, habka ay ku imaanaayan Maamul Goboleedyada, waxaa ka sii horeeyay arrinta dib u heshiisiinta.” Ayuu sii raaciyay Farmaajo.
Related posts:Daawo:“Xisbiga Wadani Dantooda Hoose Waxa Weeyi In Ay Dalkan Maalmihii Madoobaa Dib Ugu Celiyaan”Was... Waftigii Somaliland Ee Wadanka Ethiopia U Tagay Hakadka Ku Yimid Diyaarada Ethiopian Airline Oo Kula... DAAWO; Dib-U MILICSO-Hanjabaadii Muuse Biixi U Diray Madaxweyne Cigaal, Xili Uu Xidh-Xidhay Salaad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|