Qoraa Maxamed Dhamac Xasan Gudoomiyaha Ururka SDT Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qoraa Maxamed Dhamac Xasan Gudoomiyaha Ururka SDT Oo Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargeysa
June 22, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Mid kamid ah Aqoonyahanka Reer Somaliland ee Qurba jooga ah jaaliyada Swden islamarkaana ah Qoraaga Gudoomiyaha Ururka Somaliland Deveploment Team(SDT)Maxamed Dhamac Xasan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Hargeysa kadib markii uu galinkii dambe ee maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Cigaal International Airport.

dhamac4.jpg

Soo dhaweynta Qoraagan oo ay kasoo qeyb galeen Msauulyiin, katirsan Xukuumada,Xisbiyada Mucaaridka ah,ururada Bulshada,iyo qeybaha kala duwan aqoonyahanka,Ardeyda Jaamacadaha iyo ururka Qoraaga Somaliland iyo walina Ururka Somaliland Deveploment Team.

Munaasibad soo dhaweynta Qoraagan oo lagu qabtey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa, waxa kasoo qeyb galay Wasiirkuxigeenada Qorsheynta iyo Ciyaaraha Cabdikariim Axmed Mooge,Yuusuf Cismaan Garas,Agaasimaha Dalada Dhalinyarada Sonyo,Siciid Maxamed Axmed,Barkhad Jaamac Xirsi oo kamid ah Xubnaha Gudida Fulinta Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,Afhayeenka Dhalinyarada Wadani,Aqoonyahan tira badan oo ka socdey dhalinyarada Somaliland Gabdho iyo ragba leh iyo Marti sharaf kale.

Munaasibadan lagu soo dhaweeyay Aqoonyahanka Maxamed Dhamac Xasan oo aheyd mid si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana, isugu jirtey casho iyo afur waxa ugu horeyn hadal taf dheer oo qiira leh ka jeediyay Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta Qarabnka Cabdikariim Axmed Mooge oo ku dheeraaday in loo baahan yahay Somalilandta hagaagsan ee quruxda badan isagoo xusay in ay aqoonyahanka ku kulmeen socdaalkiisii Swden oo uu uga soo baqoolay meel fog taas oo ay hadalo isu weydaarsadeen munaasibadii kadib sidaasna uu ku ogaaday in ay isku qafiyad yihiin sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Walaahi markay is helaan boqol qof oo Maxamed oo kale ahi ayay Somaliland wanaagsanaaneysaa,qiimaha aynu kusoo dhaweyneynaa ma aha mid aynu iska soo dhaweneyno laakiin waxa aynu kusoo dhaweyneynaa waa qof ka muuqda dalka uu  joogo,isagoo dedaalkiisu ka muuqday inuu jecelyahay Somaliland qurux badan qiimahaas ayaynu kusoo dhaweyneynaa,waxeynu dooneynaa inuu noqdo qofka inaga maqani qof guul kasoo hooya dalkaa uu joogo oo ku qurux badan,dooni mayno in ay noqdaan dadka Somaliland ka tagaa ee dibada ku maqani in ay noqdaan dad liita,waxeynu rabnaa in ay wadamada ay joogaan ka noqdaan Siyaasiyiin, qorayaal ilayn markaasay Somaliland wax tarayaane, Maxamed isagoo dedaal sameeyay oo afka dalka uu joogo buug ku qoray, ayuu hadana dedaal sameeyay oo afkiisa buug ku qorey,markaasuu imikana kii sadexaad qoray hada oo uu dedaalkiisii kujiraa,markaasuu hadana Wadankiisii Somaliland jecelyahay aniguna waxaan kala mid ahay hadii uu halkan fadhiyo qof raba Somaliland lakala leeyahay qudcurbaad gudeysaaye noqon mayso Somalilandta quruxda badani waxey ku imaneysaa markaad aqbasho walaalkaaga kale ee kunool Badhan, ee ku nool Boorama  looma baahna in layidhaa anaa kaa qabiil badan iyo anaa kaa qolo fiican”Ayuu yidhi Cabdikariim Axmed Wasiir/kuxigeenka Qorsheyntu.

Waxaanu ku dheeraaday, in loo baahan yahay qadiyada iyo wadajirka Somaliland taas, oo laga heli karo Somalilandta quruxda badan ee loo baahan yahay, waxaanu ka dardaarey guud ahaanba bulshada Somaliland in ay qabyaalad ku codeeyaan islamarkaana, ka digtoonaadaan qabyaalada iyo mushkilada ay leeadahay haseyeeshee qofka lagu qiimeeyo kartida uu leeyahay.

Waxa kale oo isaguna halkaa si kooban uga hadley Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo kamid ah Gudida Fulinta Xisbiga Wadani waxaanu Barkhad sheegay in loo baahan yahay in la xuso Dowladu waxa wanaagsan ee ay qabato waxa kalena la tilmaamo haseyeeshee, aan mucaaridnimada qalad laga fahmin isagoo u hal celinaya Wasiir Kuxigeenka Qorsheynta oo ku yidhi Ma Mucaarid ayaad noqotey, Waxaanu Barkhad xusey in loo baahan yahay in Wanaaga la isugu yimaado sida aqoonyahanka loo soo dhaweynayo.

Wasiir Kuxigeenka Ciyaaraha oo isaguna halkaa hadal kooban ka jeediyay, ayaa ku dheeraaday in ay ka gudoomeen Muwaadinkan Qoraaga ah Maxamed Dhamac Xasan kubadaha qaaliga ah ee uu ugu soo deeqay Wasaarada Ciyaaraha gaar ahaana, kubadan oo kamid ah kuwii ugu dambeeyay ee Chmapoinka lagu ciyaarayay sida uu hadalkiisa u dhigay.

 

 

 

Qoraaga Maxamed Dhamac Xasan oo isaguna halkaa ka hadley, ayaa sheegay in aanu ku farxsaneyn in lagu tilmaamo qurbajoog maxaa yeelay waxa uu sheegay in uu mar kasta ka qiima badan yahay Qurba jooga ninka dalkiisa wax ku bartey, waxaanu faafahin dheeraad ah ka bixiyay in ururkoodsa Somaliland Devoplement Team uu yahay mid ay iyagu abaabuleen kuna dedaalayaan sidii ay wax ugu soo kordhin lahaayeen dalkooda Somaliland ee ay jecelyihiin, waxaanu xusay in ay ururka kamid tahay Safiya Oomaar oo dhawaan dalka imaneysa oo ay kuwada shaqeeyaan daacadnimo iyo wadaniyad dadka kalena sidaa looga baahan yahay, waxa uu sharaxaad ka bixiyay bugaagta uu qorey kii u horeeyay afka dalkaasi uu joogo ka kalena afkiisa hoyo hadana qado kii sadexaad ,Waxaana kamid ahaa hadaladiisii kale.

“Dhalinyaradu wey guulaysaneysaaye, aynu isku duubnaano walaalayaal, hadii maanta nin gaal ah lasoo abaabulo waxa laga yaabaa in uu Madaxtooyadeena si dhib yar ku galo oo layidhaa dhawaan ayuu wafti keenayaa, laakiin lagama yaabo in toban dhalinyar ah oo aqoonyahankeena ah loo ogolaado si ay dalka wax ugu kordhiyaan,Xirsi waxaan ku idhi ciyaar ha moodina waxeydin arki doontaan mustaqbalka toban Beyloot oo u dhasghey dhalinyarada Somaliland oo diyaarad ka duulinya garoonkeena,midnimada aynu dhowrno”Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanadey.

Waxa kale oo kamid ahaa dadkii halkaasi ka hadley Agaasimaha Dalada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Siciid Maxamed Axmed,Maxamed Cabdirisaaq Sheekh Yoonis(timo),Maxamed Deeq Cumar, Sharmaarke Geele Dacar,Huda Cali Banfas,Aadan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan(Aadan-gacan),Axmed Shaqale iyo xubno kale oo dhamaantood ka dardaarmey doorka Qabyaalada.

Gabagabadii Munaasibadan oo aheyd mid si aad ah loga soo sghaqeeyay Wasiir Kuxigeenka Ciyaaraha ayaa kala wareegay Aqoonyahanka qoraaga ah Maxamed Dhamac Xasan qalab isboorti buugaag, iyo Koobabka kubada Cagta lagu kala qaado,isagoo Wasiir kuxigeenka sheegay in ay ka Wasaarad ahaan xusi doonaan muwaadinkan iyo deeqda qalabka ay ka gudoomeen ee uu dalka soo gaadhsiiyay.

Sikasta oo atahay Aqoonyahanka Maxamed Dhamac Xasan oo kamid ah qoraaga da,yarta ee u dhashey dalkan Somaliland kana mid ah jaaliyada Swden ayaa, u muuqda aqoonyahan si aad ah ugu hanweyn dalkiisa Somaliland.

 

 

COMMENTS
LINKS