|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaxootiga Yemen ee Somaliland ku sugan oo Xaaladdooda Nololeed laga deyriyey iyo Baaq loo jeediyey Xukuumadda
June 20, 2015 - Written by Editor:Hargeysa, (Wajaalenews) Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa ka dayrisay nolosha ay ku sugan yihiin Qaxoonti Carab ah oo ka soo barakacay waddanka colaaduhu ka jiraan ee Yemen, kuwaas oo ku nool gudaha Somaliland. Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha Xarunta Xuquuqal Iinsaanka Guuleed Axmed Jaamac, ayaa walaac lagaga muujiyey xaaladda nololeed ee Qaxoonti reer Yemen ah oo ku sugan magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kuwaas oo la sheegay inaanay haba-yaraatee haysan hoy iyo hu’ ay xaq u lahaayeen inay helaan qoysaskaasi. Dhawaaqa ka soo baxay xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee Hargeysa, ayaa ku soo beegmay iyadoo maanta ku beegantahay maalinta Caalamiga ah ee Qaxootiga Adduunka oo sannad walba la xuso 20-ka bisha June. War-saxaafadeedkan oo Xaruntu baaq ugu jeedisay Xukuumadda iyo hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan, ayaa u qornaa sidan:- “20-ka June waxa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Qaxoontida Aduunka. Sanadkan waxa uu la kowsaday Somaliland iyada oo ay ku soo qul-qulayaan Yamaniyiin ka soo cararaysa dagaalka ka socda dalkoodii. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada Hargeysa. Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo. Xaruntu waxay indheheeda ku soo aragtay qoysas ku dul seexda sibidh madhan oo aan waxba dusha ka saarnayn. Xaaladoodu waa mid aad u xun, gaar ahaan caruurta. Dadkani ma helaan taageerada ay u baahan yihiiin sida guryaynta, cuntada, waxbarashad iyo diiwaangelinta. Duruufta ay ku nool yihiin waa mid aad u liidata. Meelaha qaar dadka deegaanka ayaa isu xilqaamay oo siiya waxay quutaan maalin, kana bixiyay kirada bil ama laba. Waxay ka cabanayaan in laga saaro guryaha waayo iskama bixin karaan kirada. Waa dad la dayacay oo ku nool xaalad xun. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland, hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, iyo ururada kale ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay u gar-gaaraan Yaminiyiinta ku sugan Somaliland,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Xarunta Xuquuqal Iinsaanka ee Hargeysa. Dhinaca kale, Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland, ayaa shalay raashin kala duwan u qaybsiyey boqolaal qoys oo dan-yar ah iyo Qoysas ka tirsan Qaxootiga ka soo qaxay waddanka Yemen ee magaalada Hargeysa ku sugan, waxaana munaasibad qaybinta raashinka loo qabtay goob-joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|