Nuxurka Qodobo Madaxweyne Siilaanyo Kala Hadlay Masuuliyiin Imaaraadka ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nuxurka Qodobo Madaxweyne Siilaanyo Kala Hadlay Masuuliyiin Imaaraadka ah
June 9, 2015 - Written by Editor:

Dubai(Wajaalenews) Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Siilaanyo ee ku sugan Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in kulan ay la qaateen Dhaxal sugaha Dalkaasi ay u gudbiyeen mashaariic horumarineed oo hor leh iyo hirgalinta kuwo hore.

siilaanyo 3

Mudane Xirsi oo boggiisa Facebook ku baahiyay qoraal arrintan ku saabsan ayaa yidhi “kulankan oo uu Madaweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo oo aan ku wehelinayno Xubno kamida golaha Wasiirada JSL uu nagu qaabilay dhaxal sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayo Ku xigeenka Ra’isal Wasaaraha dalka ahna Wasiirka a Wasaaradda Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan”

siilaanyo 2

Mudane Xirsi, waxa uu sheegay inay masuuliyiinta Imaaraadka kala hadleen dhamaystirka Mashaariic hore xukumaddu ugala xaajootay iyo kuwo hor leh waxaanay kala ahaayeen qodobada ay kala hadleen

1) Horumarinta Biyaha

2) Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha sida (Dekadaha, Wadooyinka iyo Madaarada)

3) Horumarinta caafimaadka

4)Tayeynta Tamarta korontada oo dalka loo sameeyo tamaraha la cusboonaysiin karo (renewable energy)

5) Kor u qaadida cilaaqaadka iyo xidhiidhka siyaasada ee labad dal

6) Caawimo xaga bin-aadaminimo ee qaxootiga kasoo burqanaya Yemen.

Kulankan ayaa ku dhamaaday guul iyo is af-garad, iyadoo la xusi karo sida milgaha dawladnimo huwan ee weftiga loogu soo dhaweeyay dalkan kulankuna ku billaabmay jawi milgo iyo maamuus mudan

Kulankan ayaa noqonaya mid wax badan ka tari doona xaalada Dimplomasiyadeed iyo dhaqaale ee Jamhuuriyada Somaliland

 

COMMENTS
LINKS