Mustafe Shiine Waxaan leeyahay Waxaasi Adigaa Ka Masuul Ahaa Waxna Aad Sheegtay In Aad Marwada Ka Raali Galisay Hadana Waxaad Leedahay Waa La Isoo Adeegsaday.,,,,Cismaan Hindi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mustafe Shiine Waxaan leeyahay Waxaasi Adigaa Ka Masuul Ahaa Waxna Aad Sheegtay In Aad Marwada Ka Raali Galisay Hadana Waxaad Leedahay Waa La Isoo Adeegsaday.,,,,Cismaan Hindi
June 8, 2015 - Written by Editor:

Siyaasiga Cismaan Hindi Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Shiine.

Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) oo aha madaxii ololaha doorashada Madaxtooyada ee Xisbigi UDUB wakhtigii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa jawaab ka bixiyay hadalo ku jiray Waraysi Wargayska Somalilandtoday la yeeshay Guddoomiyaha Gobolka Gabilay Mustafe Cabdi Shiine.

Waraysigaas ayuu Guddoomiye Mustafe Shiine ku sheegay in war uu Wargayskii MAANDEEQ ka qoray Marwada Madaxweynaha ee hadda Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde, waagi Xisbiga KULMIYE Mucaaridka aha ay ka heshiyeen isla markaana uu aha amar xagga sare ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin kaga yimi maadaama oo uu aha shaqaale dawladeed. Hadalkaas ayuu Cismaan Hindi jawaab ka bixiyay, wuxuuna yidhi,

“Xiligii doorashada waxa aan anigu idhi waa lanagaaga shubtay, sidoo kale waxa aan idhi xisbiga kulmiye waxa ku dhex jira rag xagjir ah, waxaas aan idhi ma odhanaayo waa la igu khasbay ama sidaas samee ayaa la igu yidhi ee waa wax aan anigu aaminsanaa ilaa hadana aan aaminsanahay, ma aha in aan cid kale dhakada ka saaro, saxiibkay Mustafe Shiinana waxa aan leeyahay waxaasi adaa ka masuul ahaa waxna aad sheegtay in aad marwada ka raali galisay hadana waxa aad leedahay waa la isoo adeegsaday waxaasina ma aha wax lagu hadlo ee dib isugu noqo oo raaligalin la mid ah ka bixi hadalka kaa soo yeedhay ee been abuurk ah ee aad kula dul kuftay xukumaddii UDUB ee aad kula gal galanyso ceebahaaga iyo khaladaadkii aad gashay.”.

Arrintan oo ka bilabantay Waraysi uu Tv-ga HCTV la yeeshay Marwada koobaad ee Qaranka, ayaa ku baahday siyaasiyiin iyo xubno Saxaafadda ku jira.

COMMENTS
LINKS