Muslimiinta Dalka Shiinaha Oo La Saaray Cun-qabatayno Dhinaca Soonka Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muslimiinta Dalka Shiinaha Oo La Saaray Cun-qabatayno Dhinaca Soonka Ah
June 19, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Dowlada Shiinaha ayaa cadaadis xoogan waxa ay ku heysaa dadka Muslimiinta ah ee kunool Dalkaasi, waxaana Gobol ku yaala Dalkaasi laga mamnuucay in ay bisha Barakaysan ee Ramadaan Soomaan Muslimiinta kunool halkaasi.

1-NoSign.jpg

Soonka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa ah mid kamid ah tiirar ka Islaamka, waxaana qof kasta oo Muslim ah laga doonayaa in uu guto waajibka saaran uuna soomo inta lagu guda jiro Bisha barakaysan ee Ramadaan.

Muslimiinta degan gobolka Xinjiang ee Dalka Shiinaha waxaa haysta Cadaadis adag oo ay kala kulmayaan Xisbiga Shuuciga ah ee talada Dalkaasi haya, waxaana Muslimiinta ku nool Gobolkaasi loo diiday inay soomaan.

Dadka Muslimiinta ah ee kunool gobolka Xinjiang ayaa sidoo kale lagu amray in aanay xidhi karin goobaha laga cunteeyo ay halkaasi ku leeyihiin , waxaana la saaray cadaadis aad u xoogan dadka Muslimiinta ah ee kunool Gobolkaasi.

Dowlada Shiinaha ayaa hore amar ugu soo rogtay muslimiinta ku nool gobolka Xinjiang in Goobahooda ganacsi ay ku iibiyaan Sigaarka iyo Khamriga oo xaaraan ka ah in dadka Muslimiinta ah ay iibiyaan.

Waddamo badan oo Caalamka ku yaala ayaa cadaadis xoogan waxa ay ku hayaan dadka Muslimiinta ah ee ku dhax nool, waxaana wadamada ugu daran ee Muslimiinta lagu dhibo kamid ah Dalka Myanmar halkaasi oo lagu gumaado dadka Muslimiinta ah.

 

COMMENTS
LINKS