|
|||||
WAJAALE NEWS
Murugadeydii Iyo Muuqaalka Maalintii Madoobeyd: W/Q Weriye Mushtaaq Cabdi Osman Nano
June 27, 2015 - Written by Editor:Sunnada noloshad ee uu Alle swc u dhigay dunida ayey kamid tahay dhib iyo dheef kolba kaad la kulantaa inta aad ku jirto geediga nololeed ee dunida guudkeeda, aan ugu horeyn si mug iyo miisan leh ugu mahadceliyo qof kasta oo qowl iyo qoraal igula wadaagay qiiradii iyo qaskii qoys ahaan nagu habsaday oo ahaa geeridi Aabo Abdi Cismaan Alle godka ha u nuuree ayaamaha barakeysan ee bisha ramadaan. Ma hilmaami karo igamana halaabi karo magaciina iyo muuqiinuba laakin wa igu adag tahay inaan xalkan qof qof idinku xuso laakin waxaydun dhamaantin ku xardhan tihiin qalbigeyga oo aad ugu qoran tihiin sida qalinka. Waxaan diyaar garow ugu jiraa gudashada shaqo maalimeedkayga waxaanan niyada ku hayaa inaan mudo kooban ku gaadho xarunta tvga star oo aan kamid ahay hawl wadeenadeeda ka hawl gala, gaar ahaan suxufiyiinta tabisa wararka iyo wargeys yadu waxay qoraan, waxaan ku jiraa qolkaan ku leeyahay gurigayaga iyadoo aan markaas raadinayo kab kamid ah kabaheygi oo wiil yari banaanka iga saaray. Intii aan ku maqnaa kabtaas ayaa waxaa dhowr jeer soo dhacay telfoonkeyga gacanta laakin lagama jawaabin markii aan soo laabtey ayaan damcay inaan Waco qof aan baahi u qabey balse waxaan ku arkay dhowr number oo ku jira oo aan loo jawaabin anigoo isku dayaya inaan ku celiyo ayaa isagoo oo maqiiqan waa numberkii laga qaban waaye I soo galay waa cod dumar waana sxbdey shugri cali yusuf waxay igu tidhi ma mashtaaqbaa? Waxan si kooban ugu jawaabay oo dagani ku jirto haa wallaal. Waxay igu tidhi Aabaha xabad ayaa lagu dhuftay oo wuu dhintey! Miyir iyo maskax aan wax ku kala hago ayaan iska waayey xitaa waxaan awoodi kari waayey inaan telfoonka gacanta ku sii hayo naxdin ayaan hadli kari waayey. Goor sheegtu waa 8:00 AM, maalintuna waa salaasa bishi 2 june 2015.Sidaa caadiga ah waxa soo baxday ceed ceeda dadkuna waxay badi ku kala baahayaan shaqooyinkooda waa san ayaa baryey laakin aniga waxay ii tahay maalin mugdi iyo murugo gaar ah ku reebtay qalbigayga iyo qofnimadeyda waayo waxaan horey u waayey hooyo macaan haddana waa aabo waxaan ku laab qaboojisanayaa qadarka Alle haddana waxaan sawiranaya masuuliyada igu soo baxsatey maadama oo aan ahay currada caruurta hooyo iyo aabo ka tageen. Waxaanu u kacnay dhankaas iyo hospitalki meydka aabo yaalay waxaanu ahaa buuq naxdin iyo argagax kale ayaan sii qaaday dadkii ayaa ii baneyn waayey afaafkii aan ka gali lahaa albaabka uu yaalo meydka aabo ma hadli karo mana qeylin karo oo waan hadal daayey. Waxooga kadib qof ayaa bartaas ka idhi waar u baneeya waa hablihiisiye ma garan karo muuqiisa iyo magaciisa laakin codkisa ayaan maqlayaa un. Waan dul istaa meydkii aabo wixii dhacay ayaa dhacay oo ma idin sawirri karo Waxaa loo soo qaaday dhankaas iyo aqalka waxaa dhacay muran xoogan Aabo wuxu ku dhintey muran dhul oo sanadadii ugu danbeeyey ahaa mushkiladaha ugu waaweyn ee dalka hadheeyey dawladuna tahli kari wayday xal u helideeda isagoo kaliya maaha laakin boqol qof oo bulshada qiimo ku lahaa ayaa ku naf waayey amuuraha dhulka Aabo wuxu igu jiray kaalin aanan ilaabi Karin isaga ayaa hooyo iyo aabo noo ahaa balse maanta aniga ayaa hooyo iyo aabo ah. la soco qeybta danbe Insha alllah W/Q:-Suxufiyad Mashtaaq Cabdi Cusmaan Nano Hargeisa Somaliland Gmail:- Mushtaaqz@gmail.com Tell:- 4054356/0634114654
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|