Mr. YUUSUF GARAD: Neceybka Uu u Qabo Somaliland Wuxuu Uga Dhigan Yahey Maandooriye Uu Qabatimey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mr. YUUSUF GARAD: Neceybka Uu u Qabo Somaliland Wuxuu Uga Dhigan Yahey Maandooriye Uu Qabatimey!
June 21, 2015 - Written by Editor:

Laba maalmood ka hor ayaan maqaal ka qorey Yuusuf Garaad kaasi oo aan ciwaan uga dhigey  “ Xirfadle Caan baxey Misna Muunad Baxey”. Runtii ma aan jecleyn  in aan ku noqdo mar labaad oo aan Mr. Yuusuf Garaad qalinka u holado balse isaga ficilkiisa iyo weerarka  cadaawadeysan ee uu joogtada ka dhigtey ayaa kalifeysa in lala socdo, in rogaal celis lagu sameeyo, isla markaana si kama dambeys ah waajibaad loogu xukumo si dastuuri ah.

Maqaalkan hadda oo ka kooban mid kii hore qoraalkiisa .waxaan diirada ku saarayaa lafu-gurka iyo faalada eexeysan ee uu Mr. Yuusuf Gaarad ku sameeyey laba dhacdo oo intii toddobaadkan ah saaxada ka qabsoomey.

Waa dhacdada koowaad  waa arrinta Ismaaciil Buubaa iyo  isbedelka aragtida siyaasiga ee ku wajahan aragtida uu ka qaatay hada qadiyada Somaliland  ee uu muujiyey. Arrintani oo Mr. Yuusuf Gaarad isaga oo miyir la’ si hamuun qabta qalinka ugu qaatey isaga oo qarin kari waayey miisaanka siyaasiga ee Md. Ismaaciil Buubaa haddana qiri kari waayey misna garowshiiyo ka bixin waayey waaqica uu cagta la helay Md. Ismaaciil Buubaa ka dib 23 sanno oo uu fikirka federaalka debad meer ugu maqnaa. Waxaa kale oo aad ka arkeysaa faalada khidad aad u jariimadeysan oo uu gudbinaayo Mr. Yuusuf Garaad. Taasi oo ah weerar cadaawadeysan in lagu qaado qadiyada Somaliland si walba “Waa in Ismaaciil Buubaa lagu ixtiraamaa aragtida uu qaatey oo uu xaq u leeyahey balse aynu ka doodno arrimo muhiim ah oo uu tilmaamey gudaha Somaliland iyo Midka Soomaaliya labadaba” waa sida uu hadalka u dhigaye!

Waa dhacdada labaad oo ah. waa dood toddobaadkii hore dabayaaqadiisa  ka qabsoontey fagaare dalka Mareykanka ku yaala oo lagaga hadlayey Qadiyada Somaliland oo ay ka qeyb galeen laba dhinac oo ku kala doodayey aragtida Somali weyn iyo tani qadiyada Somaliland. Runtii, waxaa iska cad in eex qaawan ka jirtey habka diyaarinta dooda, dhinaca daadihinta, iyo midka qeybinta wakhtiga intaba. Intaasi laguma joogine, waxaa si fool xun loogu weeraray Prof. Axmed Ismaaciil Samater oo si weyn u soo bandhigey dood caaqibo leh balse intii aanu biyo-dhicin ninka dooda hagayey uu ka joojiyey habsami socodkii doodiisa. Waa arrin aan fududeyn markhaatina ay u tahey sida uu Mr. Yuusuf Gaaraad isaga oo iska dhigaya nin dhex-dhexaad ah isla markaa si dhex u faaleynaya balse ayna qarsooneyn cadaawadiisu uu Somaliland u qabo waxaanu-sidii Dibigii Yaraa ee u Ciil Qabey Midka Weyn –ayuu Mr. Yuusuf Garaad weerar eexeysan oo maqiiqan geesta kaga qabtey Prof. Axmed Ismaaciil Samater isaga oo si aan gabasho laheyn dhinaca u saaraya ninka ku fashilmey daadihinta dooda oo ay walaalo ku yihiin cunfiga iyo  cadaawada JAMHUURIYADA SOMALILAND ay hayaan.

Aniga oo tixgelinaya koobida qoraalka oo ah warcelinta keliya ee aan ka helay akhristayaasha maqaalkii hore, waxaan ku soo gebo-gabeynayaa qoraalkani MR. YUUSUF GARAAD NECEYBKA UU U QABO SOMALILAND WAXAA UU UGA DHIGAN YAHEY MAANDOORIYE UU QABATIMEY OO LA’AANTIIS AANU SI CAADI U NOOLAAN KARIN taasi oo aanu isaga dhiig uga daadan soo dhicintii xorriyada Jamhuuriyada Somaliland ee labada goor ahaa balse Mr. Yuusuf Garaad iyo cidii la fikir ahba Somaliland hiil ugama fadhido wax ay yeeli karaana ma jirto!

Qalinkii:    Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa Somaliland.

 

Tel:             00 252 (0) 63 413 74 70

Email:                  mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS