Mo faarax Oo Si Cadho leh Uga Jawaabay In Uu Isticmaalo Daroogo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mo faarax Oo Si Cadho leh Uga Jawaabay In Uu Isticmaalo Daroogo.
June 19, 2015 - Written by Editor:

LONDON(Wajaalenews)Mo Farah oo ah Soomaali masaafada dhexe u orda wadanka Ingiriiska, ayaa si cadho leh u beeniyay warar sheegaya inuu isticmaalay daroogada murqaha giijisa, taasi oo ay sheegeen in ay u  saamaxday guusha uu ka keenay  orodka 5,000m iyo  10,000m ciyaarihii ka dhacay dalka Britaine.

farah_gold_1

 

Mo Farax oo si cadho leh arrintaasi uga jawaabay ayaa yidhi ” todobaadyadii lasoo dhaafay wixyaabihii la sheegayay naftayda aad ayay u dhibeen, taasina gabi ahaanba waa been aanay waxba ka jirin” ayaa u yidhi Mo Farax oo arrintaasi beeniyay.

 

Mo ayaa sheegay in aanuu waligii isticmaalin daroogada noocaas oo kale ah isla markaanka aanu ku talo jirin inuu adeegsado mustaqbalka orodkiisa.

 

Warabaahinta Uk iyo kuwa caalamka ayaa maalmihii lasoo dhaafay isla dhexmarayay in Mo Farax uu isticmalay daroogada daalka reebta isla markaana uu seegay kana maqnaa baadhitaankii daroogada ee orodyahanada lagu sameeyay sanadihii 2010 iyo 2011.

 

Mo faarax oo asal ahaan kasoo jeeda Somaliland isla markaana haysta dhalashada Ingiriiska, waxaa uu  caan ku noqday orodka  masaafada dhexe oo uu guulo ka gaadhay.

 

COMMENTS
LINKS