Masuul Dowladeed oo ka Sheekeeyey Arrimo uu kala kulmay Laamaha Ammaanka Dalka Jabuuti oo lagu Xidhay iyo Su’aalo layaab leh oo la weydiiyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuul Dowladeed oo ka Sheekeeyey Arrimo uu kala kulmay Laamaha Ammaanka Dalka Jabuuti oo lagu Xidhay iyo Su’aalo layaab leh oo la weydiiyey
June 20, 2015 - Written by Editor:

Saylac, (Wajaalenews)- Xoghayaha Degmada Saylac Bashiir Cilmi Waaberi Warsame oo dhowaan xadhig lagu xidhay gudaha magaalada Jabuuti oo uu safar ku tagay, ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin uu kala kulmay saraakiisha sare-sare ee laamaha ammaanka dalkaas oo muddo 48 saacadood ah u haystay baadhis lagu samenayey xogo looga gudbiyey gudaha Somaliland.

xoghayaha saylac

Xoghaye Bashiir Cilmi Waaberi oo isagoo ku sugan magaalada Saylac khadka telefoonka Weriye ka tirsan Himilo uga warramay dhacdadan oo dalka Jabuuti ku qabsatay 10-kii bishan June, waxa uu sheegay in ciidamo Boolis oo ay hoggaaminayaan saraakiil sar-sare oo Laamaha Ammaanka dalka Jabuuti ahi ugu yimaaddeen Gurigiisa xilli habeenimo ah, kuna war-geliyeen in looga baahan yahay xogo dhinaca ammaanka ah oo isaga lagu xidhiidhiyey, sidaas awgeedna markii uu raacayey lagu xidhay saldhig booliska oo muddo 48saacadood ah uu ku jiray, kaddib markii lagu waayey tuhun lagu xidhiidhiyey inuu barta Facebook-ga ku faafiyey dacaayado iyo aflagaaddo meel-ka-dhac ku ah Dowladda Jabuuti.

Mr Bashiir Cilmi waxa uu masuuliyadda xadhigga lagula kacay dusha ka saaray Badhasaabka Gobolka Selal Cabdirisaaq Waaberi Rooble isla markaana uu warbixin khaldan oo isaga ka dhan ah u gudbiyey dowladda Jabuuti.

Isaga oo ka sheekaynaya sida wax u qabsadeen iyo waxa uu la kulmay, waxa uu yidhi, “Waxaan Jabuuti u tagay alaab aan u doontay gaadhigayga oo xumaaday. Markii aan gurigayga tagay waxa ii yimi niman boolis ah, waxay ii sheegeen in lay baahan yahay oo lay doonayo. Markii laygeeyey meeshii booliiska waxa laygu yidhi warkaaga waanu haynaa, dacaayad baad ka sheegtay dowladda. Markii aan ku idhi anigu waxba ma aflagaadayna, waxa layidhi facebook-gaad dacaawad ku qortay, Dabadeed waxa layga qaaday telefoonkaygii, waxa laga baadhay inaan Facebook-ga isticmaalo, markii la baadhay ee laga waayey inaan Facebook isticmaalo, waxa lay weydiiyey lambarkaygii Somaliland, isagana waan u dhiibay oo waa la baadhay, waxba waa laga waayey. dabadeed habeenkii meeshiibaan u hoyday, waxa laygu xidhay qol madow oo wada-kaneeco ah oo wada uskag ah.”

Mar waanu weydiinnay cidda isaga dacwadda ka gudbisay, waxa uu sheegay, “Subaxnimadii ayaa laygu yidhi iska tag wax dambi ah laguguma haysto, askarigii Oobiiga iga qoray, ayaan weydiiyey cidda I haysata, dabadee wuxuu igu yidhi badhasaabka gobolkaaga ayaa dacwad kaasoo gudbiyey.’ Laakiin Markii dambe-na waxaan ogaaday inuu la hadlay anigoo dhexda ku sii jira, xataa umuu sheegin inaan ahay masuul xil haya ee wuxuu ku yidhi ninkaasi waa qas-wade hala qabto.”

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Saylac oo ka warramay Isku-dhac dhexmaray isaga iyo Badhasaabka Gobolka oo uu ku xidhiidhayey sababta xadhiggiisa Jabuuti, waxa uu yidhi, “Waxaanu isku qabannay tuulo Xamaam la yidhaahdo oo reero deggen yihiin, ayuu amar ku bixiyey in la baabiiyo, meesha waxa ka dhisnaa dhismeyaal yar-yar oo ku-meel-gaadh ah oo cooshado ah, waana la gubay. Waxa noo soo dacwooday dadkii meesha deggenaa. Markii aan tagay waxaan arkay meel baaba’san, oo waxaan ugu tagay meesha dambas iyo waababkii oo baaba’ay. Meeshuna waxay ahayd meel sigaarka koontarabaanka ah la sii mariyo. Runtii, annaga cashuur baaba noogu jirta oo dakhli badan baanu sigaarka ka helnaa.

Markii aanu u tagay een ku idhi maxay sidani u dhacday, waabu I aflagaaddeeyey oo wuxuu yidhi shaqo adiga kuu taalla maaha ee dantaada qabso. Aniguna lamaan hadal oo masuuliyiintii Gobolka ee na dhex-gali lahayd way maqan yihiin, maayarkiina Hargeysa ayuu joogaa.

Wixii aan ku soo arkay meeshaas iyo cabashadii dadka, anigu waxaan u soo gudbiyey warbixinteedii wasaaradda arrimaha gudaha.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Saylac, waxa kale oo uu sheegay inuu Xabsiga dalka Jabuuti ugu tagay Nin Ganacsade ah oo gobolka Selal keena Qaadka Waddanka Itoobiya, kaas oo uu sheegay in badhasaabka gobolka Selal dacwad ka gudbiyey. Haseyeeshee markii dambe layska sii daayey markii wax dambe ah lagu waayey.

Dhinaca kale, badhasaabka Gobolka Selal Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo aanu wax ka weydiinnay eedaymaha loo jeediyey, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu dolwadda Jabuuti u gudbiyey xog la xidhiidha dacwadda loo xidhay Xoghayaha dowladda Hoose ee Saylac.

 

xigasho wargayska himilo

COMMENTS
LINKS