Marwo Aamina Waris iyo Wasiir Samsam oo u Aleelo Xidhay Gobolka Gabiley Iyo Jawaabta Odayadii Dhaqanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marwo Aamina Waris iyo Wasiir Samsam oo u Aleelo Xidhay Gobolka Gabiley Iyo Jawaabta Odayadii Dhaqanka.
June 19, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Wafti balaadhan oo ay horkacayso marwada koowaad iyo wasiirada maaliyada somaliland Samsam Cabdi Aadan kuna weheliyaan koox wasiiro ah ayaa lafilyaa in maalmaha soo socda ay safar ku tagaan gobolka gabiley waxaa kamida Waftiga wasiirka ganacsiga Dr Muuse Qaasim Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse,wasiirka madaxtooyada Xirsi Wasiirka beeraha iyo xubno kale oo kasoo jeeda gobolka gabiley

wasiir samsam iyo marwo aamina

socdaalka kooxdan wasiirada ah iyo marwada ayaa sida ilo xogogaala noo xaqiijiyeen wuxu daaran yahay ujeedoyin kala gadisan, uguna horayso sidii xadhiga looga jari lahaa mashaariic ay hore u dhagax dhigeen ,furitaanka tartanka kubada cagta oo dhawr garoona iyo ujeedooyinka kale ee ku lamaan ayay wararku Tibaaxeen in ay tahay sidii looga jawaabi lahaa kulan dhawaan ay aqlabiyada golaha dhaqanka ee gobolka gabiley shir hoose layeesheen xusbiga Wadani, kaasi oo ay sas ka qaadeen xukuumada madaxwayne siilaanyo iyo xubnaha ku Andacooda wakiilnimada bulshada Reer gabiley

Arintani ayaa siwayn u taabatay marwada koowad, wasiirada maaliyada Samsam Cabdi Aadan oo xiligan ah wasiirka ugu tunka wayn beesha dhexe ,

Safarka kooxdan wasiirada ah iyo marwada ayaa lafilyaa in aanu wax saamayna ku yeelan mucaaridada reer gabiley ay ku balan san yihiin in ay xukuumada siilaanyo kala hortagaa mudada u hadhay

Reer gabiley ayaa xusuusan dhaaman hadimoyinkii siyaasadeed ee u kula kacay madaxwayne siilaanyo iyo kooxda latalisaa Oo ay kow ka yihiin laba haweenka ah .

mudadii ay xukuumada siilaanyo jirtay ayaa wuxuu siyaabo kala duwan xililka uga qaaday dhamaan haldoorkii gobolka kuwaasi oo dhamaantood uu mariyay jid isku mida halka wasiirkii hore maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale wasiirkii warshadaha Abiib diiriye nuur ay iyagu markii ay arkeen saansaanta kooxda siilaanyo ku xeeran ay iska casileen xilkii ay qaranka u hayeen taasi oo ay si wayn ugu dirsateen bulsho waynta reer gabiley oo ay marwalba u ahayd marin xilka qaadisyo isku eeg.

ISKU SOO WADA DUUB SAFARKA MARWADA IYO KOOXDA KU WEHELISA AYAA U EEG “HABAR DHALI WAYDAY ALEELO KUWAALATAY,GABAILEY ARAGTIDEEDA QAADATAY,

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

WARIYE CABDIQAADIR CABDIRAXMAAN HABANE

 

 

COMMENTS
LINKS