Madaxweyne Siilaanyo Oo Noqday Madaxweynihii ugu Socodka Badnaa Safarada Dibada Uguna Waxtartka Yaraa W.Q Kaptanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Noqday Madaxweynihii ugu Socodka Badnaa Safarada Dibada Uguna Waxtartka Yaraa W.Q Kaptanka
June 25, 2015 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland Ahmed Siilaanyo ayaa waxa uu jabiyey rikoodhkii socodka ee madaxweynayaashii Soo maray Jamhuuriyada Somaliland isaga iyo golahiisa wasiiraduba waa ay ka simanyihiin socodka badan ee dibada, Madaxweyne Siilaanyo marka la isu wada geeyo safaradiisii xaga dibada ee misna la barbar dhigo xukuumadihii ka horeeyay tusaale hadaan usoo qaadano xukuumadii Riyaale safaradii dibada uu ugu bixi jiray madaxweynihii xukuumadii hore ee Jamhuriyada Somaliland waxaa ka batay sagaalkii sano ee Riyaale talada dalka haayay sadexdii sano ee ugu horeeyay Xukuumada Siilaanyo, Taasina waxay ku tusaysaa farqiqa u dhaxeeya intuu leeg yahay,

caw boy

Safarka badan ee ay madaxweyne Siilaanyo iyo wasiiradiisu ugu tartamaan xaga u dhoofidda dibada ayaa hadana waxay u badan yihiin safaro madhalaysa oo aan haba yaraatee qaranka Jamhuuriyada Somaliland wax sidaa uwayni uga soo hoyan, Dalka markay kusoo laabtaan beentii ugu badnayd ee dad waynaha iyo shacabka loo sheego ayay dadka waraabiyaan iyagoo ay hal haysna u tahay waa markii ugu horaysay ee sidan iyo sidaa,

Xukuumada Siilaanyo wasiirada qaarkood haduu hargab ku dhaco dalalka khaliijka ayay u duulaan waxayna marka ay soo noqdaan ku afgabaad sadaan safar shaqo ayaan ku maqnaa, Xukuumadan Siilaanyo waxaa u dheer safar badnaanta dibada waxtar la,aanta tusaale waxaa kugu filan xukuumadii tan ka horaysay ee RIyaale waxay Somaliland kasbatay sodon xildhibaan oo ingiriisa oo madaxbanaanida S/L u ololeeya iyo sideed dal oo baasaboorka Somaliland lagu tago oo safaarado aan ku lahayn maanta laba dal aya inagu hadhay Mp yadii wax lagu soo daro iska daaye markii la dhiiri galin wayay ayay iska kala huleeleen, marka shacabkii aya dusha xilkii dowlada loo doortay dusha iska saaray ee ahaa citiraaf raadinta aadban ugu amaanaya qurbo jooga ingiriiska gaar dedaalka ay u galeen ictiraafka qarank oo golayashii deegaanka ku qanciyay inay ictirafan JSL.

 

Safarkii uu madaxweyne Silaanyo ku tagay Imaraatka iyaga inoo yeedhay inoona baahna waxay ku guul daraysteen inay ka dhaadhiciyaan ugu yaraan in Somaliland Passbort lagu galo Imaraadka Carabta ileen iyagaa maanta ku baahane  marka waa laga faa,idayn waayay safarkaas, sida laajigeed safarkii ugu danbeeyay ee uu odaygu ku tagay Ethiopia waxa dhacday fadeexad horena u dhacday iyagoo madaxweynihii qaranka isagoo xaadira loo diiday inay saxaafadu wax ka waydiiso safarkii uu ku maqna hadaba arintani waxay karaamo dhac ku tahay madaxweynaha miiyaanu u jawaabi karin wariyayasha wa sidee xaalku tolow.

 

 

Allaa Mahad leh

 

Abdiqani Salaf (Kaptanka)

A

COMMENTS
LINKS