Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la kulmay M.weynaha Hay;adda CARE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo la kulmay M.weynaha Hay;adda CARE
June 23, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxweyne  ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “ Saylici”  ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa  ugu sareeya  hay’ada care ama madaxweynaha Care Miss Michelle Nunn.

DSC_0055

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland  mudane saylici waxa uu warbixin ka siiyey wafti ay hogaaminayso Nunn oo dalka safar shaqo ku yimid, xaalada dalku maraayo.

Halka Miss Michelle Nunn ay sheegtay in ay madaxa ka tahay ugu yaraan 90 dal balse ay iyadu doorbiday inay Somaliland ku horayso madaama ay ku cusub tahay xafiiska dhawaana la soo magacaabay, imaatinkayguna waxa uu I gelinayaa farxad dheeriya waayo in badan ayaan ku taamayey in aan indhaha ka soo qaado Jamhuuriyada somaliland.

waxa kale oo ay sheegtay inay hay’ada care iyo Somaliland si wada jira isaga kaashanayaan ka shaqaynta iyo kor u qaadida arrimaha bini-aadannimida, waxbarashada, farsamada gacanta iyo tayeynta tayada macalimiinta gaar ahaan haweenka macalimiinta ah.

geesta kalena madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan c/laahi saylici ayaa sheegay inuu  soo dhawaynayo Miss Michelle Nunn iyo waftiga ay hogaaminayso.

madaxweyne ku xigeenka ayaa xusay inay waftigan kawada hadleen sidii loo dardar galin lahaa hawlaha ay hay’adani dalka ka qabato isla markaana loogu fudaydin lahaa dhamaan hawlaheeda iyada oo la iskaashanayo hay’ada care iyo Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS