Madaxweynaha Somaliland Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Dhaariyey Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Dhaariyey Gudoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare.
June 28, 2015 - Written by Wariye:

Hargeisa(wajaalenews):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamada Sare Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo uu madaxweynuhu magacaabay 24/05/2015 una gudbiyey Golaha Wakiilada, iyaguna ay ansixiyeen 03/Jun/2015, ka dibna uu xilkii gudoomiyaha maxkamada sare kala wareegay 08/Jun/2015, gudoomiyihii ka horeeyey ee xilka laga qaaday Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil cali.

Maanta oo taariikhdu tahay 28/Jun/2015 na uu dhaartii dastuuriga ahaydna uu madaxweynaha qaranka Somaliland udhaariyey gudoomiyaha cusub si uu hawlaha horyaala u gudo galo, isaga oo sharciga islaamka ugu dhaartay shacbiga iyo qaranka Somalilandba.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu gudoomiyaha dhaarta ka dib ugu duceeyey in alle u fudaydiyo xilkaasi, kana dhigo mid dalka iyo dadkaba u horseeda kala danbayn iyo cadaalad.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Abdikadir Abdirahaman Habane

COMMENTS
LINKS