Madaxweynaha JSL Oo Gaadhay Imaaraadka iyo Sidii loo Qaabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Gaadhay Imaaraadka iyo Sidii loo Qaabiley
June 7, 2015 - Written by Editor:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ee u safray Imaaraadka Carabta ayaa qadar saacado ah ku sii nastay Qolka VIP-da ee Garoonka Adis-ababa Ethiopia, waxaana halkaasi madaxweynaha iyo weftigiisa lagaga qaaday diyaarad khaasa oo uu u soo diray Boqorka Imaaraadka carabtu.

Weftiga Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay imaaraadka carabta ayaa markii ay  halkaasi gaadheen weftigii madaxweynuhu waxa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha iyadoo ay kaga horyimaadeen Masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen  We Khalifa foundation, maxamed Alxaaji Alkhuuri iyo madax sarsare oo kale waxaana weftiga madaxweynaha loo gelbiyey halkii loogu talogalay in la dejiyo iyada oo dhamaan wadooyinku ahaayeen kuwo amaankooda la sugay laguna gelbinaayey madaxweynaha baabuurta gaarka ah ee madaxweyneyaasha loogu talogalay iyo ciidamadii amniga sugaayey oo hareero socday weftiga.

IMG-20150606-WA0024

waxaana la filayaa in madaxweynaha iyo weftigiisu ay saacadaha soo socda la kulmidoonaan boqorka Imaaraadka Carabta oo martiqaadka u fidiyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo ka wada hadli doona arrimaha labada dal ka dhexeeya iyo arrimo dhawra oo kor u qaadidoona xidhiidhka labada dal.

 

COMMENTS
LINKS