Madaxweynaha JSL Iyo Wafi U Hogaaminayo Oo Maanta Ka Qaybgalay furitaanka Ceel Biyood Laga Hirgeliyey Deegaanka Wado-makaahil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Iyo Wafi U Hogaaminayo Oo Maanta Ka Qaybgalay furitaanka Ceel Biyood Laga Hirgeliyey Deegaanka Wado-makaahil
June 17, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay furitaanka Ceel biyood oo laga hirgeliyey Wado-makaahil horena uu u dhagax dhigay madaxweynuhu ceelkaasi.

siilaanyo 1 siilaanyo 2 siilaanyo 3

Madaxweynaha oo saaka ka socdaalay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa gaadhay wado-makaail oo ka tirsan Degmada fara-weyne, madaxweynuhu markii u gaadhay goobtaasi waxa uu ugu horayn soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga ku dhaqan wado-makaahil oo ay hormuud ka ahaayeen Ugaaska, Sulaadiinta Cuqaasha, iyo Culimo aw-diinka deegaanka, waxaanu madaxweynuhu u gudbay goobta laga qoday ceel biyoodka oo uu xadhiga ka jaray ceelkaasi.

Waxaana loo si gudbay goob aad loo soo agaasimay oo lagu qabtay xaflada Furitaanka Ceelka, waxana ugu horayn ka hadlay sheekh Maxamuud Aw Suufi oo uga mahadnaqay xukuumada uu hogaaminaayo madaxweynuhu dedaalka ay shacbigeeda u samaysay ee ay ka mid ka yihiin ceelasha iyo kaabayaasha aasaasiga ah ee binu-aadamku u bahaan yahay.

Waxa isna madasha ka hadlay Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim Jabane, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay in deegaanku helo biyo, Caafimaadka iyo waxbarashada, run ahaantii madaxweynuhu waa shaqsi ku sifoobay wanaag iyo waxqabad xukuumadiisuna waxay ku suntanaan doontaa waxqabad buuxa oo ay dalka u qabteen, run ahaantiina marwalba garabkaaga madaxweyne naga filo oo naga eeg hadii aanu nahay beesha makaahil.

sidoo kale waxa isna madasha ka hadlay Chief Caaqil Shuuriye hadaladisiina waxa ka mid ahaa waxa aanu nahay dad jin ah, dawladuna waa insi sidaa awgeed waxa aanu arkaynaa wanaaga xukuumada balse madaama aanu nahay jin lanama arkaayo, waana ta sababtay in aan halkan ka sheego madaama aanu degno bad ilaa beri, hadaba beryahan waxaanu lahayn jinow baalka naga qaad maanta wuu naga qaaday oo waa taa dawladii naragtay, kaabayaashii arrimaha bulshadana wax nagala qabatay, dawladihii hore way ku guul daraysteen in ay biyo ka soo saaraan Farawayne iyo Wado-makaahil balse Axmed Maxamed Silaanyo waa kaa ku guulaystay ee ka soo saaray biyaha aad u jeedaan.

Degmadani fara-wayne waa degmo balaadhan waxa aad ka qabatayna cid hore waxa nooga qabatay ma jirto balse nooma dhamaan ee waxan leeyahay madaxweyne sidaa nooga war hay aad hadaba noogu dedaashay.

runtii maalintii uu riigan dhagax dhigaayey Madaxweynuhu waxay ahayd habeenimo oo weliba iska daa madax socotee reer miigu xiligaasi xoolaha ma doontaan basle madaxweynuhu wuu socday isaga oo xaalada u kuurgelaaya, sidaa awgeedna waxa aanu madaxweyne ku cadaynaynaa in aanu horena ku dooranay maantana diyaar ayaanu kuu nahay, Samsamna waa shimbir malab oo abaal wayn ayaanu u haynaa runtii waana shaqsiyad qiimo leh oo noo dedaashay.

Oday Xasan Baaruud oo isna la wareegay hadalka ayaa yidhi madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed silaanyo, Weftiga iyo shacbiga tirada badan ee meesha isugu yimid waan salaamayaa, salaan ka dibna runtii xukuumadu waxbay qabatay waana loo wada jeeda waxa uu madaxweynuhu bad ilaa beri soo jeexay ee uu u kuurgalay, magacii silaanyona waan ka bedelay laga bilaamo maanta madaxweynaha oo waxa aan u bixiyey markaan arkay waxqabadkiisa, kartidiisa, daacadnimadiisa XAYTE, waxaanan hadalka ku darayaa madaxweyne farxada ka muuqata reer farawayne waa waxad gashatay waana aanu ku ognahay.

Abwaan Maxamed Maxamuud Dhega-cun oo isna hadalkiisa ku bilaabay runtii hadii aanu reer Wado-makaahil nahay madaxweyne aanu la kulano oo aanu soo horfadhiisano waa noo kow adiga ayaa ugu horeeya, madaxweyne aanu la tashano oo aanu dantayada u bandhigana adiga au horeeya, madaxweyne wax noo qabtana adigaa u horeeya, ayuu yidhi abwaanku isaga oo ka dibna gabay u tiriyey Madaxweynaha ay midhihiisa ka mid yihiin Haybadlow madaxweyne marlabaad na hogaami………………….

Gudoomiyaha Degmada Faraweyne Faysal Maxamed Jaamac oo halkaasi ka madaxweynaha warbixin ka siiyey deegaanka Faraweyne hoos yimaada ayaa sheegay in degmadu tahay mid si gaara u ilaashata madaxweynaha ilaa wakhtigan ilaa wakhtigii mucaarka.

Gudoomiyaha Tuulada Ismaaciil Aw Muuse oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in madaxweynuhu aanu ahayn qof ku cusub halkan balse ilaa wakhtigii SNM uu ahaa mid maraayey wado-makaahil, maanta oo uu madaxweyne yahayna uu mashaariic ka fulinaayo madaxweynuhu waana wax alle loogu mahadiyo.

Suldaan Ibraahim Sulub oo ku hadlaayey afka Salaadiintii ku sugnaa goobta, ayaa xusay in madaxweynuhu yahay madaxweynihii dalka soo maray ee ugu waxqabadka balaadhnaa

Waxa isna madasha ka hadlay Suldaan Maxamed oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey wado-makaahil waxaana ma kid ahaa hadaladiisa madaxweyne sanad gudihiibaad laba jeer timid halkan beeshuna waxay gudidoontaa dedaalkaa aad u gashay eed uga midho dhalisay abaalkiisa.

 

Khadar Cabdi Xuseen oo ku hadlaayey afka shirkada Durur ee qoday ceel biyoodkan ayaa sheegay in ceelka dhererkiisu yahay 280 miter oo noqotay ceelkii ugu dheeraa ee ay shirkadu qoday, waxaanu saacadiiba soo saari doono  7 Miter kuyuubik oo biyo ah.

Maayarka Caasimada Cabdiraxmaan Soltelco oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay inay ka qaybgalaan maanta xafladan, deegaankuna uu yahay kii laga soo doortay sanadkana waxaan u balan qaaday degmada faraweyne Saldhig boolis oo ay kharashkiisa biixndoonto dawlada hoose ee hargeysi.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay sharaf u tahay xukuumada in maanta ceelkii aynu dhawaan dhagax dhignay uu maanta dhamaaday, dadkiina ka cabayaan, waxanan ogahay in  deegaanka dadka kunooli ay yihiin dad wanaagsan oo dawladnimada jecel.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Arimaha Gudaha Axmed Faarax Cadare ayaa hadalkiisa ku bilaabay isna madaxweyne waxa sharaf gaar ah ii ah in deegaanku qireen wixii loo qabtay, waxaanu tilmamay in aanay intaasi ku joogsan doonin waxqabadka degmadu ee ay soo socdaan kuwo kalena.

Wasiirka Biyaha Mudane Baashe oo ahaa masuulkii ay xafladani khusaysay madaama oo la furaayey ceel biyood ayaa halkiisa ku bilaabay ceelka waxaanu u samayn doonaa nidaam uu ku shaqeeyo si loogu aayo wakhti dheer waana mid aynu isla qaadan doono insha allaa, deegaankana waxa lagu tiriyaa dhulka oomanaha ah balse waxaynu ku dedaali doonaa in baliyo ama horooyin loo sameeyo laguna dedaali doono marka aynu helno dhaqaale ku filan in aynu ceelal dhaadheer sida kan oo kale loo qodidoono lana gaadhsiin doono ilaa buuhoodle.

Madashan oo ahayd mid qiimeheeda leh waxa isna hadal ka jeediyey Wasiir ku xigeenka Caafimaadka  Xasan Daahir Dhinbiil, waxanu ka hadlay wasiir ku xgeenku in uu ugu bushaaraynaayo Degmada Unbalance cusub oo u ku wareejiyey si dhakhso ahna uu dhawaan uga dhisidoono Xarun caafimaad (MCH) degmadu yeelato.

Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis oo isna hadlay ayaa yidhi hadalka ku dheeran maayo balse waxa farxad weyn inoo wada ah dhamaanteen xafladan qiimaha badan ee ina kulmisay ee aynu ceelkan xadhiga kaga jarnay waanan idinku ducaynayaa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade, oo isna halkaa ka hadlay ayaa u mahadnaqay guud ahaan shacbiga, gaar ahaan wado-makaahil ayaa yidhi dadka deegaanku dhaqan ayey u lahaayeen sida qiimaha badan ee ay inoo soo dhaweeyeen waana dad hido u leh suugaanta sidaad halkan ka arkayseen, waxanan idin ku bushaaraynaa inaad tihiin deegaan nabadgelyada ku fiican oo marka loo eego meelaha qaar aanu mahadnaq balaadhan idin soo jeedino, intaa ka dibna waxa uu hadalka ku soo dhaweeyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Madaxweynuhuna waxa uu u mahadnaq shacbigii halkaasi ku soo dhaweeyey isaga oo sheegay madaxweynuhu in uu marwalba heegan ugu jiro sidii u shacbigiisa u barbartaagnaan lahaa waxna ugu qaban lahaa gaar ahaan Arrimaha bulshada ee aas-aasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, iyo wixii la mida.

Ugu danbayn waxa madaxweynaha iyo weftigiisa qado sharaf loogu sameeyey Tuulada Wado-makaahil, hadho sharafeedkaasi oo ahaa mid qiimihiisa xambaarsan ayaa markii laga soo dareeray waxa weftigii madaxweynuhu u soo caraabeen caasimada Hargeysa oo ay ku soo haydeen.

COMMENTS
LINKS