Macmiil Hindi ah Oo Shirkada Samaysa Mobilada Casriga Ah Ee iphone6 ka Gudbiyay Dacwad Ka Dhan ah Shirkada Apple | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Macmiil Hindi ah Oo Shirkada Samaysa Mobilada Casriga Ah Ee iphone6 ka Gudbiyay Dacwad Ka Dhan ah Shirkada Apple
June 27, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews) Sida ay baahisay shabakada wararka Emirate24 ee kasoo baxda dalka imaaraadka carabta todobaadkan

muwaadin u dhashay dalka hindiya ayaa dacwad ka dhan ah shirkada mobilda casriga ah samaysa ee loo yaqaan apple qaybteeda hindiya u gudbiyay garsoorka dalkaas kadib markii telphoneka gacanta noociisa u danbeeyay ee loo yaqaan iphone6 uu ka gatay suuqyada waaweyn ee shirkadaasi ay ku leedahay dalka hindiya.

iphone6

 

macmiilkan oo ay warbaahintu la boobtay makrafoonka ayaa ku andacooday in uu laba cisho ka hor gatay telephonekan kadibna uu qiiq siidaayay sidiina uu ku damay telephonekii isaga oo xusay in telephonekan uu ku gatay lacag qaali ah taasi oo cadadkeedu dhamaa 60000 rs oo lacagta hindiya ah isaga oo macmiilkani xusay in laga siiyay lacag isaga ku badan marka loo eego jeebkiisa.

dhacdooyin lamid ah tan ayaa sanadkii hore ka dhacday meelo kala duwan oo dunida ah iyada oo ay jirtay gabadh maraykan ah oo 12 jir ah in ay iphone5 ay gadatay uu ku dhex gubtay jeebkeega oo uu soo daayay dab.

sanadkan horaantiisii ayay ahayd markii suuqyada waaweyn ee caalamka lagusoo daayay mobilada iphone6 kaasi oo watay xayaysiis badan oo khuseeya adeegyada casriga ah ee uu xambaarsan yahay modelkani.

masuuliyiinta shirkadan ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin mushkildan soo noqnoqotay taasi oo dhabarjab wayn ku noqon doonta shirkadan maraykanka ah ee soosaarta smart phoneska iyada oo tartan xoogan oo xaga suuqa ah uu ka dhexeeyo shirkada kale ee SamSung

 

HARGAYSA OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE XASAN CALI

iphone6

COMMENTS
LINKS