Macalinka cusub Ee Real Madrid Rafael benitez oo Cristiano Ronaldo ka Ciyaarsiinaya Booska 9 Iyo Shaxda Rasmiga ah Ee Xagaaga Dambe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Macalinka cusub Ee Real Madrid Rafael benitez oo Cristiano Ronaldo ka Ciyaarsiinaya Booska 9 Iyo Shaxda Rasmiga ah Ee Xagaaga Dambe.
June 5, 2015 - Written by Editor:

Hargeisa(Wajaalenews) Sida ay qoreen warbaahinta caalamku   tababaraha cusub Real Madrid Rafael Benitez ayaa raba inuu sanadka dambe Cristiano Ronaldo uu ka ciyaarsiiyo booska weerarka ee NO 9.

ronaldo

Macalinka ayaa raba inuu ku ciyaarsiiyo kooxdiisa shaxda 4-2-3-1 taas oo Ronaldo ka dhigeysa booska weerarka inuu ku kali ahaado waxaana ay saameyn  ku yeelan doontaa Karim Benzema.

Booska No 9 ayaa Ronaldo ugu fiican kan garabka waxaana uu dhalin karaa markan goolal ka badan inta uu dhaliyay sanadkan.

Sidoo kale shaqada badan ayaa ka yaraaneysa ee garoonka uu ka dhex qabto taas oo daal ku keentay qeybta dambe ee sanadkan.

Alex Ferguson ayaa xiddigan ka ciyaarsiin jiray booskan mararka qaar waxaana Benitez uu kala tashanayaa arintan Ronaldo.  In laga ciyaar siiyo booskan cusub ee 9

 

 

Diyaariye/ hamze jirde axmed

COMMENTS
LINKS