|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimadda Oo Baaq U Diray Culimada
June 14, 2015 - Written by Editor:Hargeysa,(Wajaalenews) ) – Maayarka Caasimadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ugu baaqay Culimada reer Hargeysa inay maalinta Khamiista ee todddobaadkan shir isugu yimaadaan kaas oo lagaga tashanayo sidii deyr loogu sameyn lahaa Dhul dhowaan ay golaha Deegaanka Hargeysa u asteeyeen inay noqdaan Xambaalo. Qoraal uu Maayarka Hargeysa ku faafiyay boggiisa Facebook-ga waxa uu ku sheegay in Masuuliyaddooda ay tahay in la helo dhul laga dhigo Xabaalo, sidaas darteedna aan loo baahnayn dhul cusub oo loo iibiyo sidii ay Xabaalo u noqon lahaayeen, waxaanu qoraalka Maayarka oo dhamaystiran u qornaa sidan: “Masuuliyadda xabaalaha waxaa iskaleh golaha deegaanka oo aan anigu hormood u ahay, waxaananu u astaynay Dhul, sidaas darteed Culimadda waxaan ka codsanayaa in ay shir isugu yimaadaan maalinta Khamiista 9:30 subaxnimo, hadii Alle yidhaahdo, si aynu uga wada hadalno calaamadintooda, cidii dhaqaale u haysaana dayr sidii loogu samayn lahaa, maanta uma baahna dhul loo iibiyo oo golaha deegaanka Hargeysa, ayaa u haya dhulkii.”
Related posts:Madaxtooyada Somaliland Oo Caawa Lagu Qabtay Munaasibada Sanad Guurada 27aad Ee Xuska 18 May Iyo W... Halkan Ka DAAWO Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Biyo Baladhinta Caasi... DAAWO;Madaxweynaha JSL oo Xarunta Xisbiga Kulmiye ka Qaatay Kaadhka Xubin nimada Golaha Dhexe kana H... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|