Lix Nooc Oo Kamida Faa,iidooyinka Soonka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lix Nooc Oo Kamida Faa,iidooyinka Soonka
June 23, 2015 - Written by Editor:

Walaalayaal sida aynu wada ognahay bishan barakaysan ee ramadaan waa bishii ilaahay { swt} Quraankii ku xusay .

Sidaa awgeed xadiis rasuulka laga soo wariyey ayaa macniihiisu ahaa “sooma waa caafimaade { fast and be health }

Cilmi sayniskan hada jiraana wuxuu horumariyey in soonku yahay mid laga helayo naxariis jidheed.

Hadaba halkan waxaan idiinku soo gudbineyaa 6 qaab oo ka mid ah faaiidooyinka caafimaad ee bishan barakaysan ee ramadaan ku jira

  1. Soonku wuxuu yareeyaa sonkorta dhiiga ku jirata { Fasting reduce blood glucose}

Soonka bisha ramadaan ama soonku guud ahaanba wuxuu kor uqaadaa in sonkorta dhiiga qofka ku jirta la burburiyo si uu qofku intuu sooman yahay tamar

uga helo.

Hadaba maadaama oo uu qof afka waxba ka qaadaneyn waxaa yaraada soo daynta jidhku uu soo daynayo maadada loo yaqaano { insulin}

2 .soonku wuxuu saxaa cabirka dhiigakarka

{ fasting correct the level of blood pressure}

Soonku waa qaab lagu yareyn karo heerka dhiikarka ama afka qalaad loo yaqaano{ blood pressure }

Hadaba wuxuu caawiyaa oo uu yareeyaa maadada loo yaqaano {atherosclerosis }

3.Soonku wuxuu nasiyaa habdhiska dheefshiidka { fasting rests the digestive system}

Xiliga qofka binaadamku sooman yahay habdhiska dheefshiidku wuxuu ku jira xaalad nasasho

  1. soonku wuxuu yareeyaa in miisanka qofku uu is dhimo { fasting promotes weight loss }

Soonku wuxuu qofka sooman ku sameeyaa hab fiican oo miisaankiisu isku dhimo oo uu hoos udhac ku yimaado.

Wuxuuna yareeyaa kaydkii qofka bina aadamka u kaydsanaa. qofka doonaya inuu miisaankiisa dhimo oo ajarna helo si niyad fiican haku soomo

  1. soonku wuxuu yareeyaa xanuunada loo yaqaano [inflammatory disease ]

{fasting resolves inflammatory response }

Daraasad la soo saaray ayaa lagu iftiimiyey in soonku daweeyo xanuunada sida’ allergic ,arthritis, rheumatoid iyo xanuuno kale oo badan

  1. soonku wuxuu caawiyaa la qabsashada shay inana adkayn

{fasting helps over come addiction }

La qabsashada shay ee uu qof yidhaa waxaa iskama jari karo ha noqdo mid la cabo ama la cuno ama noocyada badan ee shayada faraha badan

Soonku wuxuu ku barayaa xiliga aad sooman tahay inaad ogaado shayo badan ama dabeecado badan oo aad awal odhan jirtay iskama daynkaro inaad si yar oo fudud iskaga jarto waxaanad xaqiiqsaneysaa in wax adag oo aan la iska joojin Karin uuna jirin.

Qore : xaaji ismaaciil mulkhiye allaa mahad leh

 

COMMENTS
LINKS