laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo Nin Hubaysani Ku Dilay Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
laba Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Booliska Oo Nin Hubaysani Ku Dilay Magaalada Hargaysa.
June 21, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Waxaa maanta galinkii hore Labada kamida ciidanka booliska somaliland kana tirsan saldhiga Daloodha uu Nin hubaysani ugu gaystay dhimasho iyo dhaawac  laba askari oo midi  geeriyooday halka ka kalena uu ku dhaawac culusi soo gaadhay  kadib markii nin shicib ah oo ay u sideen qoraal dacwadeed uu rasaas kufuray ,taasi oo sobobtay khasaare nafeed,

Wararka aanu ka helayno dhacdadan ayaa tibaaxay in amar ay ninkan shicibka ah ugu yeedheen ciidanku ay ugu tageen gurigiisa kadibna ay ku war geliyeen in ladoonayo halka ay jawaab celintiisii ka noqotay in uu xabad nool u adeegsado ciidankii loosoo diray kuna geeriyooday askari kamida ciidanka booliska halka askari kale ka dhaawacmay askariga dhaawacmay ayaa  lagu naanaysaa (Caloola) halka aanu wali ka helin magaca marxuumka geeriyooday.

NINKAN HUBAYSE EE DILKA U GAYSTAY ASKARTA AYAA WALI LA  HAYN MEEL UU JAAN IYO CIDHIB DHIGAY .

 

Dhadadan ayaanay  wali ka hadal Taliska ciidanka boolisku

Mudooyinkii ugu danbaysay ayaa waxaa bulshada somaliland ku soo badanaya dilalka loogaysto ciidanka booliska ay kula kacayaa dadka shicibka ah kuwaasi dhamaan ku salaysan muran dhul iyo mid ka dhaxeeya dad rayida ah oo iyaguna isku haysta arimo kala duwan,

WIXII KASOO KRDHA DHACDAN IYO FAAHFAAHIBTEEDABA KALA SOCO WAJAALENEWS

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS