Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Degmada Tog Wajaale Iyo Muranka Dhulka Oo Kor U Kacay Mudada Ay Xilka Hayeen. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaaf Hor Leh Oo Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Degmada Tog Wajaale Iyo Muranka Dhulka Oo Kor U Kacay Mudada Ay Xilka Hayeen.
June 9, 2015 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(Wajaalenews) Magaalada tog wajaale oo ah magaalo Xuduuda ku taal ismarkaana ah Magaalo ganacsiyeen somalilandna doorwayn kuleh dhaqalaheeda ayaa dhawaan wasiirka arimaha gudaha cali maxamed waran cade u magacaabay sedex masuul isagoo dhamaana xilkii ka qaday masuuliyiintii hore e degmada wajaale’

Magaalada Tog Wajaale ayaa maalmahan waxaa aad looga hadal hayay khilaafka mudda gaaban kaga dhex curay Gudoomiyaha degmada tog wajaale mr shiine iyo xoghaya degmada ayaa maalmihii udanbeeyay waxaa ka dhex qarxay khliaaf culus oo ku salaysan dhinaca awooda maamul taasi oo sobobtay in gudoomiye shiine joojiyo magacaabis uu sameeyay xoghayaha degmadu islamarkaana uu si beedha shaqada uga joojiya agaasime waxeed uu xoghayuhu midkale ku badalay

Khilaafkan ayaa sida ilo xoggaalihi oo xaqiijiyeen wuxu gadhay halkii ugu adkayd kaasi oo sobobay in markii danbe ay soo dhexgalaan shakhdiyaad isxilqaamay, khilaafkiina damiyay

Halka gabi ahaanba laga guuray isku badalkii uu xoghayuhu sameeyay halka rabitaankii gudoomiyahana loo badalay in meesha loo dhiibo qof sedexaad oo ka baxsan labada masuul ee ay isku khilaafeen,

Arintan ayaa waxaa lafilayaa in ay xili kasta halis u tahay in uu khilaaf qorxo kaasi oo sabobi kara in shaqadu istaagto amaba labada masuul midkood meesha ka baxo.

DHanka kale mudadii gaabay ee ay joogeen sedex masuul ee degmada usareeyaan ayaa waxaa maalmihii hore bulshadu ku diirsatay dhaqdhaqaaqyo ayka sameeyeen dhinaca toga dhexdiisa oo ay gabi ahaanba ka nadiifyeen qashin buuxdhaafay una badaleen meel dhir qurxina laga beero lagana joojiyay qashinkii,

Ididiilo shacabka reer wajaale arkeen kadib ayaa waxaa mar qudha dhanka kale isku rogay muranka dhulka oo kor u kacay iyagoo dhamaan dhaqdhaqaaqyada dhulka ay si bilaa qorshe ay u galeen gudoomiyaha degmada iyo kuxigeenkiisa oo isaga arimaha dhulka masuul ka ah

Isku soo wada duub oo masuulyiinta Degmada Tog wajaale ayaa waxaa debeda usoo baxay khibrad la,aanta shaqada ee esdexdan masuul oo midkoodna hore uga soo shaqay xafiis maamul

 

COMMENTS
LINKS