|
|||||
WAJAALE NEWS
Khilaaf Culus Oo Soo Kala Dhexgalay Cabdiwali Gaas iyo Camay iyo Wasiir Iscasilay+Sababta Khilaafka
June 13, 2015 - Written by Editor:Garoowe(Wajaalenews) Wasiirkii caddaaladda maamulka Puntland ayaa iscasilay kadib markii muran ka dhashay isku shaandhayn lagu samayn lahaa golaha wasiirada maamulkaasi “Shaqadii wasaaradda caddaaladda inaan ka tago ayaan go’aansaday maanta oo ay bishu tahay 13-ka bisha June” ayuu yidhi Wasiirka iscasilay Ismaaciil Maxamed Warsame.
Wasiirkii caddaaladda Puntland, ayaa sheegay in iscasilaadiisu ka dambeyaysay markii Madaxweynaha maamulkaasi iyo madaxweyne xigeenku isku khilaafeen isku shaandhayn lagu samayn lahaa golaha kuwaasi oo isna uu ka mid yahay kuwa xilka laga qaadi lahaa. “Sababta iscasilaadayda keentay waxa weeye, waxaad ogtihiin in bishii May saddex meeloodoow meel tirade golaha wakiilada Puntland inay dhaliileen siyaasadda dawladda ee dhaqaalaha iyo amniga oo ay yidhaahdeen waxbaa ka dhimman…intaas kadib wuxuu madaxweynuhu guda galay in xukumadda boodhka laga tumo oo dhiig cusubna lagu shubo xubnaha dhiigoodu madoobaadayna laga saaro. Waxa kale oo jirtay todobaadkan oo lagu sheekaysanayay Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ayaa isku shaandhayntii samayn lahaa oo waxaa la isku haystaa Wasiirka caddaaladda oo todoba cisho la isku haystaa golaha wasiirada ha ka baxo iyo ha joogo…markii golaha la magacaabayay waa la isku kay haystay oo madaxweynuhu wuxu lahaa golaha ha lagu daro kuxigeenkuna wuu ka soo horjeeday, maantana way is bedeshay oo Madaxweynaha ayaa leh anigu Ismaaciil uma boggin oo kama sii mid ahaanayo golaha wasiirada Madaxweyne xigeenkuna leeyahay ha joogo” ayuu yidhi Mr Ismaaciil. Dhinaca kale xogaha laga helayo khilaafka Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cumar Camay ayaa sheegaya inay isku hayaan in golaha wasiirada cusub lagu soo daro Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo sanadkii hore ka tagay Somaliland una xil doontay Puntland. Mr Camay ayaa la sheegay inuu ka soo horjeedo Xaabsade,halka Mr Gaas la dhacsan yahay in xil loo dhiibo Mr Xaabsade. Todobaadadii u dambeeyay ayaa degaannada Puntland lagu hadal hayay xogta isku shaandhaynta iyadoon la samayn sirteedu dibadda u soo baxday islamarkaana la dareemay khilaafka u dhexeeya madaxda maamulka ugu sarraysa iyo wasiirada.
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|