|
|||||
WAJAALE NEWS
KHatarta Kiniinka Kala Koriye(Nasiye) Oo Gabadh 21 Jir ah U Dhimatay .
June 4, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Fallan Kurek, oo 21 Jir ah ayaa U Dhimatay Kiniinka Kala-Koriyaha (Nasiye) ka dib Markii ay iyada oo isticmaalaysa mudo 25 cisho ah ayaa waxa ku dhacay in uu ku keenay in uu dhiig guntamay oo uu xanibay midka mida sambabadeeda ka dibna uu shaqadii joojiyay. Fallan Kurek, oo ay labadeedii waalid u warameen saxaafada ayay u xaqiijiyeen in ay inantoodii u geeriyootay Xinjirow dhiiga oo uu sobobay Kiniinka lagu kala fogeeyo Dhalmada (Kala Koriye) oo ay mudo 25 cisho oo qudha qaadanaysay ama si joogta ah u isticmaalaysay. Midka mida dhakhatiirtii latacaalayay Fallan Kurek, ayaa xaqiijiyay 25-may-2015 in ay Fallan Kurek, U geeriyootay xanuun uu sababay kiniinka kala koriyaha (Nasiye) waxaanu isku daynay in aanu latacaalno lakiin waysuuro gali wayday waayo 3 cisho ka hor intayna dhiman ayaanu sawirka madaxa marinay wax aanu aragnay in maskaxdeedu joojisay shaqadii dabadeedna waxaanu u wareejinay qaybta dadka khatarta ah lageeyo (ICU), ka dibna waxa sin aba suuri gali wayday in lalatacaalo waayo waxa shaqadii joojiayay dhiigeedii oo sobobay in aanay maskaxdeeda gaadhin wax dhiigi . Fallan Kurek, oo waalidkeedii lasiiyay shahadada lagu aqoonsado in qofkaasi dhintay ayaa 29-may-2015 lasiiyay waxaanay walidkeedii carabka ku adkeeyeen inantayadii way dhimatay lakiin waxa masuuliyad kale inaga saarantahay intakale ee wali isticmaala kiniinka kala koriye (Nasiye) , waxaanay hooyadeed ku dartay intaa waad aragta inantaydii oo 25 cisho oo qudha qaadanaysay inay u dhimatay kiniinkaa kala koriye (Nasiye).
Halkan Ka Eeg Warbixin Oo Dhamaystiran.http://www.dailymail.co.uk/health/article-3095987/Tragedy-fit-healthy-21-year-old-dies-taking-contraceptive-pill-MONTH.html#ixzz3bjbLsSfj COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|