Itoobiya Oo Jaan-goysay Qaddarka Ay ka Isticmaalayso Dekedda Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Jaan-goysay Qaddarka Ay ka Isticmaalayso Dekedda Berbera.
June 30, 2015 - Written by Editor:

Addis Ababa, (Wajaalenews)  Dowladda Itoobiya, ayaa ku hawlan qorshe ay ku ballaadhinayso baahida ay u qabto isticmaalka Dekedaha ku yaala gobolka Bariga Afrika isla markaana ay ku yaraynayso ganacsigeeda ku xidhan dekedda Jabuuti oo boqolkii 90 daboosha badeecadaha ay la soo degto iyo kuwa ay dhoofiso, ayaa caddeysay xaddiga badeecadaha ay ka isticmaalayso dekedda Berbera.

Qorshaha Dowladda Itoobiya ku ballaadhinayso isticmaalka dekedo ay kala soo degto badeecadaheeda ku xidhan dekedda Jabuuti, waxa ka mid ah inay adeegsato dekedda Mombasa ee dalka Kenya, dekedda Berbera ee Somaliland iyo Dekedda Port Sudan ee waddanka Sudan.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Dowladda Federaalka ee Itoobiya oo la hadlayey Baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay inay sii wadayaan ganacsigooda ku xidhan dekedda Jabuuti, balse ay baahi weyn u qabaan dekedo ay kala soo degaan badeecadaha dibadda uga imanaya oo Dekedda Berbera ku jirto.

“Waxaanu qorshaynaynaa inaanu dekedda Berbera u isticmaalno Boqolkiiba Shan ilaa Toban ka mid ah Alaabooyinka aynu dibadda kala soo degno, waxaananu rejaynaynaa inaanu sii wadno baadi-doonka aanu ugu jirno dekedo ku haboon oo aynu u isticmaalno jihooyinka kala duwan ee dalka. Haseyeeshee, dekedda Jabuuti waxay sii ahaan doontaa dekedda ugu muhiimsan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Itoobiya Workeneh Gebeyehu.

Sida ay qoreen warbaahinta dalka Itoobiya, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Mashaariicda Horumarinta ee UNDP, ayaa ka dambaysa qorshaha ay dowladda Itoobiya ku ballaadhinayso isticmaalka Dekedaha ganacsigeedu ku xidhan yahay. Waddanka Itoobiya, ayaa ka mid ah 16 Waddan oo ku yaala qaaradda Afrika, kuwaasoo aan wax Bad ah lahayn.

Dekedda Jabuuti waxa wakhtigan gacanta ku haysa shirkadda DP World Djibouti oo maamulkeedu hoostago shirkadda DP World oo laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta, taas oo gacanta ku haysa in ka badan 65 Dekedood oo ku kala yaalla lix Qaaradood, kuwaas oo ay ku jiraan dekedaha ugu waaweyn qaaradda Afrika oo ay ka mid tahay Dekedda Durban ee waddanka Koonfur Afrika.

Shirkadda DP World, ayaa wakhtigan ka mid ah dhowr shirkadood oo wada-hadallo la xidhiidha maalgeshiga dekedda Berbera kula jirta xukuumadda Somaliland, iyadoo shirkaddan DP World xilligan olole ay ku raadinayso heshiiska maalgeshiga dekedda Berbera uga faa’idaysanaysa isla markaa ku xod-xodanaysa dowladda Itoobiya baahida ay u qabto adeegysiga Dekedda Berbera iyo inay dowladda Somaliland ku qanciso in DP World lagu wareejiyo maamulka Dekedda, sida aanu ka soo xigannay warbixinno ay qoraal warbaahinta dalka Itoobiya qaarkood.

 

COMMENTS
LINKS